|

Al Shabaab Oo Guulo Ka Sheegatay Dagaallo ka dhacay Gobolka Sh/hoose

Muqdisho March 31 2013 (SDN)— Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhaca Gobalka Shabeelaha hoose,ayna la galeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalka Shabeelaha hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdala oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guulo ay ka gaareen dagaalo uu sheegay inay ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobalkaasi.

Abuu Cabdala ayaa sheegay in maalmahan dambe dagaal uu ka socday duleedka Marka iyo Shalaambood isaga oo sheegay in ciidamada AMISOM dagaalkaasi khasaaro ay ku gaarsiiyeen.

Wuxuu sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen ciidamo gaaraya 8-askari halka dhaawaca uu ku sheegay ilaa saddex askari oo ka tirsan ciidamada dagaalka ay la galeen.

Dagaalka kale ayuu sheegay inay ku qaadeen deegaanka Bariire oo hoostaga Awdheegle halkaasina khasaaro kala duwan uu ka dhashay.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin dagaalada Shabaab ay sheegen inay ka dhaceen Gobalka Shabeelaha Hoose.

SDN-Muqdisho

Comments are closed