|

Wadahal lagu dhexdhexaadin lahaa Guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo Wadani oo fashilmay,maxey tahay sababtu?

London Mar 31,2013(SDN)-Qaar ka tirsan aqoon yahanka reer Somaliland ee ku nool dalka Britain ayaa hindise ay soo bandhigeen oo lagu heshiisiin lahaa labada Gudoomiye ee xisbiyada UCID iyo Wadani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Ciro.

Hindisahan oo looga gol lahaa sidii axsaabta mucaaridka ee Somaliland loogu mideyn lahaa xakameynta xukuumada uu madaxa ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaan meel marin.

Waxgaradka dedaalkan ku hawlanaa ayaa qaarkood qurbejoog.com waxa ay u sheegeen in kolkii hore lagu guuleystay in labadan siyaasi oo rafiiq ahaa mudo dheer balse ku kala booday hogaanka xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Balse kolkii danbe ay xukuumada Somaliland ay ka war heshay mucaaridka isku baheysanaya iyo cadaadiska ka dhalan karta ayaa ay ku guuleysatay in ay ku guuleysato in dedaalkaasi aanu miro dhalin.

Xukuumada Axmed Siilaanyo ayaa ku qancisay Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali waraabe in ay dalka ku qabato shir wada tashi oo xaaladaha dalka khaasatan shirka Soomaalida ee London lagu qabanayo Bisha May.

Faysal  Cali ayaa mudaba hadal hayay in London uu ku qaban doono shir ay ka qeybgeli doonaan siyaasiyiin reer Somaliland ah oo ay ka mid yihiin kuwa aaminsan siyaasadaha Somaliweyn.

Xukuumada Somaliland ayaa  dhagax qura ku wada dishay laba shinbirood,ka dib kolkii ay kala reebtay mucaaridka isla markaana ay shiiqisay mucaarid dibeddaha isku urursada oo dhaliilaha Mucaaridka meel uga soo wada jeesta.

Si kastaba ha ahaatee ma cada halka ay wada socoshada Xukuumada Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha UCID ku danbeyn doonto,bacdamaa xukuumadu caan ku tahay kali socod,halka Guddoomiyaha UCIDna uu caanka kaga yahay in uu siduu wax u dareemo kolba u sheego.

SDN-London
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed