|

Al-shabaab Oo Hub iyo Gaadiid Ka Furatay Ciidamado Katirsan Dawladda Federal-ka Somalia

Qoryooley:May,31,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxa ciidamo katirsan Kuwa Dawladda Federalka Somalia laga furtay Hub iyo saanad kale, kadib markii Xoogaga Al-shabaab ay dhexda u galeen maalintii shalay.

hboWarku waxa u intaas ku darayaa in Ciidanka Hubka laga furtay kasoo baxeen Degmada Qoryooley kuna sii jeedeen tuulada Farxaane ee duleedka Qoryooley, ka hor inta aanay Maleeshiyada Hubka ka furatay Waddada usii gelin.

Ciidamadani ayaa ku hubeysnaa hubka noocyadooda kala duwan waxaana rasaas oodda kaga qaaday Maleeshiyaad Al-shabaab oo iyagu ku sugnaa meel aan sidaa uga sii fogeyn Tuuladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada laga furtay ilaa 11 A47 iyo hal gaadhi nooca dagaalka ah, waxaana lagu soo waramayaa in inta uu halkaasi ka socday dagaalka Al-shabaabna looga dilay 6 Dagaalyahano ahaa inkastoo aan warkaas cid madax bannaani xaqiijinin.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa inta badan waddada u gala gaadiidka Ciidamada DF Somalia, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Shabeelada hoose.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed