|

Paris: Buundo Muhiim u ahayd Lammaanayaasha Is caashaqsan Oo Laga Mamnuucay In La Dhigo Qufullo Hore Loo Dhigi Jirey Iyo Sababta Oo La Shaaciyey

Paris:May,31,2015(SDN/QJ)-Buundo caan ka ah waddanka Faransiiska, isla-markaana Lammaanayaasha is jeceli qufullo dhigi jireeen, ayaa la mamnuucay in Quful dambe la dhigo, kadib markii sida Maamulku sheegeen in qufulladii halkaas buux dhaafiyeen.

qufuBuundada Pont des Arts, oo iyadu ah mid can ka ah dalkaasi ayaa waxaa gabi ahaan darbiyadeeda buux dhaafiyay qufulo gaadhaya hal milyan, culeyskooduna lagu qiyaasay ku dhawaad 50 tan.

Buundadani ayaa waxaa sanadkiiba booqda Kumanaan Lamaanayaal si ay u xusuustaan Jacaylkooda, isla markaana ay qufulo xusuus ah u dhigeen Buundada.

Maamulka caasimada Paris ayaa sheegaya in muuqalka qufulada tirada badan uu yahay mid fool xun, isla markaana khatar ah, waxaana xusid mudan inay baqdin ka muujiyeen in buundadaasi ay dunto sababo la xidhiidha culeyska qufulada.

Saraakiisha magaalladda Paris ayaa lagu wadaa inay maalinta Isniinta ee so osocoto bilaabaan sidii ay Buundada uga sifeyn lahaayeen ku-dhawaad hal million oo Qufulka Jacaylka “The Love Locks”.

Mid kamid ah Saraakiisha magaalladda Paris, ayaa sheegay inay doonayaan inay Paris sii ahaato Caasimaddii Jacaylka iyo Xidhiidhka Jacaylka”.

Si kastaba ha ahaatee, arrintani ayaa niyad jab ku noqon doonta dalxiisayaasha, balse shacabka ku nool Paris ayaa ku farxi doona in ay dib usoo ceshadaan buundadooda.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed