|

Al Shabaab oo laga saaray degaanada Galcad

Muqdisho March 29, 2023 (QJ) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud, sida Tix, Baraag Sheekh Caamir, Caliheele iyo Cali Axmed oo ka tirsan degmada Galcad.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada Al-Shabaab ayaa laga saaray deegaanadaasi, kadib howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in si iskood ah ay uga baxeen deegaanadaasi, islamarkaana ay weli gacanta ku hayaan degmada Galcad.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in kooxdan bilihii lasoo dhaafay ay kulmeen culeysyo badan oo kaga imaanayay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Qabashada deegaanadan ayaa loo arkaa guul wax ku ool ah oo u soo hoyatay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa taageera ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay dadaallada ay wadaan ciidamada, wuxuuna ku baaqay in la sii wado dadaallada looga hortagayo kooxdan, isla markaana lagu soo celinayo ammaanka gobolka.

Comments are closed