|

Wasiir Fiqi oo UNta kala hadlay fatahaada Baardheere

Muqdisho March 28, 2023 (QJ) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo maanta shir guddoominayay kulan looga hadlayay gurmadka fatahaadaha Wabiga Jubba ayaa ka warbixiyay fatahaadaha Wabiga Jubba.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo hay’ado kala duwan oo caalami ah, sida SODMA, UN-OCHA, WFP, IOM, UNICEF, FAO, iyo UNHCR.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa intii uu kulanka socday kula dar daarmay beesha caalamka iyo saaxiibada Soomaaliya in gurmad bini’aadantinimo oo deg deg ah lala soo gaaro bulshada ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Hay’adaha Samafalka ee ka soo qeyb galay kulanka ayaa ballan qaaday in ay ku dadaali doonaan sidii gurmad iyo taakuleyn loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta baahi degdeg ah oo loo qabo dhaqaale badan si wax looga qabto dhibaatada.

Dad badan ayaa naftooda ku waayey, qaar kalena waa ay ku barakaceen fatahaadda iyo khasaaraha ka dhashay.

Comments are closed