|

Hindiya oo soo furatay Markab ay qafaasheen Burcad Soomaali ah

Bossaso March 30, 2024 (QJ) -Koox burcad badeed Soomaali ah, oo afduubtay markab la sheegay in laga leeyahay dalka Iran ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada badda Hindiya.

Saraakiisha ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in howlgalkooda oo qaatay saacado badan ay ku suuragashay in ay isku soo dhiibaan kooxihii afduubka u heystay doonida.

Burcadbadeedda la qabtay ayaa la sheegay inay afduubteen markabka lagu magacaabo Al-Qamar, iyadoo hadda la sii daayay 23-shaqaale ah, kuwaasoo la sheegay inay bad-qabaan.

Kala dhex-galkan ayaa daba socday howlgal ay horey ciidamada badda Hindiya kula galeen koox kale oo burcad badeed Soomaali ah, kuwaasoo ay ku lug lahaayeen 35 qof kadib markii ay afduubteen markabka MV Ruen oo kale oo ay gacanta ku dhigeen.

Budhcad-badeedda ay qabteen ciidamada badda Hindiya ayaa la filayaa in loo qaado dalka Hindiya, si halkaas loogu soo maro maxkamad, waxaanay noqonaysaa kooxdii labaad ee budhcad-badeed ah oo ay ciidamada Hindiya gacanta ku soo dhigaan maalmihii la soo dhaafay.

Comments are closed