Muqdisho July 17,20112(SDN)-Kooxda Al Shabaab ayaa war ay soo saartay waxa ay ku sheegatay dilkii shalay loo geystay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,sida uu shaaciyay madaxa hawlgalada Shabaabka.
Marxuum Maxamuud Cabdi Ibrahim ayaa shalay gaadhigiisa lagu qarxiyay Muqdisho,Shabaabkuna waxa ay sheegteen in iyagu qaraxaa ay ka danbeeyeen.
“Inaga ayaa qaraxa dhignay guddaha gaadhiga xildhibaanka,waana bartilmaansanay si aani u khaarijino”sidaa waxa yiri madaxa hawgalada Shabaabka Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab oo saxaafada kula hadlay Muqdisho.
“Kuwa dawlada ka tirsan iyo kuwa u shaqeeya intuba waa Gaalo,waana bartilmaansaneynaa”ayuu raaciyay Abu Muscab.
Xildhibaanka shalay la dilay ayaa hore u soo qabtay xilal wasiirnimo,waxaanu ahaa nin ay aad isugu dhawaayeen madaxweyne Shariif.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
