|

Al Shabaab oo sheegatay qarax saaka lala eegtay Cabdi Qeybdiid

Gaalkacyo Jan 31,2012(qurbejoog.com)-Aqalka uu magaalada Gaalkacyo ka degan yahay Cabdi qeybdiid Cawaale ayaa maanta qarax lala beegsaday waxa sheegtay kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta bartamaha iyo konfurta Soomaaliya.

Cabdi Qeybdiid oo hore u mudo dheer u ahaa taliyaha ciidamada Booliska ee dawladihii KMG ahaa ee Soomaaliya soomaray ayaa haatan Gaalkacyo u jooga nabadeynta qilaafka Galmudug ee u dhexeeya Baarlamaanka iyo Madaxweyne Caalin.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegay in mid ka mid ah raga u qaabilsan isqarxinta uu maanta weerar ku qaaday aqalka Cabdi Qeybdiid.

Cabdi Qeybdiid oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in weerarkan lal beegsaday ay ku dhinteen labo ilaaladiisa ka mid Haweeney mareysa aaga iyo nin isqarxiyay.

Qurbejoog-Gaalkacyo
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed