|

Dagaal maanta ka dhacay degaanka Jaziira

Jazira Jan 31,2012(qurbejoog.com)-Dagaal maanta ka dhacay degaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa uu u dhexeeyay ciidamada Dawlada KMG ah ee Soomaaliya oo kaa shanaya kuwa AMISOM.

Shabaabka ayaa dagaalkan saacadaha socdey saaka hiirtti ku qaaday degaanka Jaziira oo hore ay ugu sugnaayeen ciidamada Dawladu.

Inta laga warhayo ilaa 8 ruux ayaa ku geeriyooda xurgufti halkaa ka dhacday saaka ilaa maanta gelinkii danbe.

Saraakiil u hadashay ciidamada dawlada ayaa sheegay in ay iminka aaga ka sifeeyeen ciidamadii Shabaabka ee saaka hantiyay.

Kooxda Al Shabaab ayaan dhankooda ilaa iyo haaatan aan wax war oo dagaalkan ku saabsan aan soo saarin.

 

Qurbejoog-Jazira

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed