|

Al Shabaab oo sheegay in ay dib u qabsanayaan gobolka Sh/dhexe

Muqdisho Dec 31 2012 (SDN)— Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay dib ula wareegi doonaan deegaanada Gobalka Shabeelaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakudukade oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in iminka uu socdo qorshayaal ballaaran oo ay ku doonayaan inay dib ula wareegaan deeganada Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu sheegay inay socdaan weeraro ballaaran oo ay ku qaadayaan fariisimada ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Gobalkaasi halkaasi oo ay dhowr weerar ka geesteen.

Al-Shabaab ayaa waxaa lagal wareegay Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe oo ay ku jirto Magaalo madaxda Gobalkaasi inkastoo iminka ay sheegeen inay doonayaan in dib ay usoo qabsadaan Gobalkaasi.

Jowhar ayaa iminka waxaa ku sugan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyadoo Shabaabna ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe.

 SDN-Muqdisho

Comments are closed