|

Puntland oo markale siweyn uga soo horjeestay shirar lagu qabto deegaanadeeda

Garoowe Dec 31 2012 (SDN)— Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa ka hadlay ammaanka deeganadaasi oo maalmahan dambe ay ka taagan tahay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo looga soo horjeedo madaxweynaha maamulkaasi.

Wasiirka amniga ee maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay inaysan u dulqaadan doonin dadka kasoo horjeeda maamulka Puntland ee falalka qal-qalgelinaya ammaanka deeganada Puntland kawada halkaasi.

Khaliif Ciise Mudan ayaa tilmaamay in deeganada maamulka Puntland aan lagu qaban karin shirar aysan ka warqabin masuuliyiinta maamulka Puntland islamarkaana muhiim ay tahay in la ogaado waxyaabaha looga hadlayo shirarka hadiiba la ogolaado.

Muddooyinkaan dambe qal-qal dhanka siyaasada ah ayaa waxa ay ka taagan yihiin deeganada maamulka Puntland maadaama Madaxweyne faroole Siyaasiyiin badan oo kasoo horjeeda ay ku sugan yihiin deeganadaasi.

SDN-Garoowe

Comments are closed