|

Barlamanka Soomaaliya oo uga fadhiyo wasaarada Maaliyada dhaqaalaha ku baxa Ciidamada

Muqdisho Dec 31 2012 (SDN)— Iyadoo Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay miisaaniyada sanadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu wasaarada maaliyada ka dalbaday inay soo cadeeyaan dhaqaalaha guud ee ku baxo ciidanka.

Mahad Cabdala Cawad Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu galayo fasax islamarkaana Bisha March 03-deeda Xukuuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada maaliyada looga fadhiyo inay keento dhaqaalaha ku baxo ciidanka.

Wuxuu sheegay Mahad Cabdala Cawad in sidoo kale Xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay dhaqaalaha ku baxa shaqaalaha rayidka ee ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale kuwa aan rayidka aheyn.

Muddooyinkaan dambe Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka doodaye arimaha miisaaniyada Xukuumadda iyadoo shalay ugu dambeyn la ansixiyay miisaaniyada Xukuumadda,Baarlamaanka Soomaaliyana Wasaarada maaliyada uu uga fadhiyo inay keenaan qarashaadka ku baxa ciidanka inta uu la eegyahay.

SDN-Muqdisho

Comments are closed