Baraawe 07.Oct 2014 (SDN/QJ)- Sh. Fu’aad Maxamed Qalaf (Shan-gole), oo Al-shabaab u qaabilsan dhinaca dacwada ayaa sheegay in lagu soo qaaday kooxdooda duullaan la isku bahaystay, isagoo sheegay inaanay taasi niyad-jebin doonin.
Madaxa dac-wada Al-shabaab ayaa intaas ku daray in dagaallada ay kula jiraan Ciiddamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay sii wadi doonaan oo aysan marna is-dhiibi doonin, wuxuuna xusay in culeys badan la saaray.
“Al-shabaab waxaa lagu soo qaaday duullaan balaadhan oo ay Gaalo oo dhan isku bahaysatay, balse taasi nama niyad-jabin doonto, dagaalkana waan sii wadaynaa,” ayuu yidhi Shan-gole oo hadalkiisan ku soo beegay xilli gacantooda ay ka baxday degmada Baraawe oo Saldhig weyn u ahayd.
Sidoo kale, Sarkaalkan ayaa sheegay in deegaanno badan laga qabsaday, balse ay dib ula soo noqon doonaan, wuxuuna intaas ku daray inay ka laaban doonin go’aankooda ah inay la dagaalamaan wuxuu Ciiddamada dalka ku soo duulay oo uu ula jeeday AMISOM.
“Degmooyin badan ayay cadowgu hadda ku sugan yihiin, kuwasoo ay horay Xarakadu u maamuli jirtay, balse waxaa naga go’an inaan dagaalkeenna sii wadno, waayo waxaan difaacaynaa diinta iyo dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed,” Ayuu yidhi.
Sheekh Fu’aad Shan-gole ayaa wuxuu ka mid yahay Saraakiisha Al-shabaab ugu sarreysa, sidoo kalena wuxuu ka mid yahay Xubno uu Mareykanku dul dhigay Madaxooda Lacag malaayiin doollar ah si uu xog uga helo ama ay u dilaan.
Al-shabaab ayaa wayday Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, taasoo ay Ciiddamada dowladda iyo kuwa AMISOM baqonimadii maanta kala wareegeen, waxaana degmadan ay sannado badan u ahayd Al-shabaab meel ay dagaalladooda ka soo abaabulaan. Weli Xarrakadu waxay ka talisaa deegaanno badan oo dalka ah, kuwaasoo ay ka mid tahay gobolka Jubbada Dhexe oo ay gabi ahaantiisa ku jira gacantooda, inkastoo aan la ogeyn halka uu isaguna ku dambeyn doono.
Baraawe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
