|

AlShabaab oo mar kale weerar xoogan ku qaaday ciidamada Liyuu Booliska Itoobiya

Muqdisho. July 29, 2022 (QJ)- Kooxda alShabaab ayaa saaka mar kale weerartay deegaanka Aato ee gobolka Bakool, halkaas oo uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu Booliiska ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in kooxda Shabaab ay saaka weerar culus oo marka hore ku bilowday madaafiic, kadibna xigay dagaal fool ka fool ah ay la galeen ciidamadda dowlad deegaanka, waxaana la maqlayaa dhawaqa culus ee hubka la isu adeegsanayo, mararka qaar waxaa la soo sheegayaa qaraxyo culus.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dagaalka oo wali socdo darteed aan la sheegi karin khasaaraha, maadaama dadka ay aqaladooda ku xaroodeen, iyadoo colaadan cusub uu durba saameeyay ganacsiga, isu socodka gaadiidk iyo dadweynaha.

Waa markii 2aad oo kooxda Shabaab ay weerarto deegaanka Aato mudo 10 maalmood gudahood, weerarkan kii ka horeeyay waxey Shabaab sheegatay iney ku dishay 85 katirsan ciidamadda Liyuu boolks, iyadoo Maraykanku sheegay in Shabaab weerarkaas kadib ay gudaha Itoobiya u galeen ilaa 150KM.

Comments are closed