|

Midawga Yurub oo mucaaradka u sheegay in ay Doorashada Ururada galaan

Hargeysa. 30 July, 2022 (QJ)- Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelman, ayaa u sheegtay xisbiyada mucaaradka ee Somaliland in ay galaan doorashada ururada, iyadoo u muuqata tallaabo guul u ah Madaxweynaha Somaliland.

Go’aanka danjiraha Midawga Yurub ayaa sabab u noqday in ay mucaaradku shaki wayn ka muujiyaan shaqada ay hayso, waxayna dhawaan diideen kulan ay ka dalbatay.

Maalintii Khamiista ayay Tiina Intelman dib uga laabatay magaalada Hargeysa iyadoo ku noqotay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo fadhi u ah, waxayna ku war celinaysaa xubnaha kale ee Beesha Caalamka.

Qurbejoog ayaa ogaatay in mid ka mid ah kulamadii ay safiirku la yeelatay mucaaradka ay ugu sheegtay in ay qayb ka noqdaan ururada isla markaana galaan doorashada, sida uu madaxweynuhu u sheegay iyadoo xustay in madaxweynuhu ku yidhi “labada doorasho waan qabanayaa ee mucaaradku ha yeelaan doorashada ururada.” Madaxda mucaaradka ayaa safiirka u sheegay in ay sharci daro tahay in laba doorasho lasoo kala horaysiiyo “madaxweynuhuna ka warwareegayo doorashada madaxtooyada.”

Hadalka Tiina Intelman ayaa ahaa soo jeedin balse mucaaradka ayaa si adag uga falceliyay iyagoo diiday xataa in ay is arkaan, waxayna sugayaan danjirayaasha kale oo Hargeysa imanaya.

Beesha Caalamka ayaa wada la-tashiyadii ugu danbeeyay iyadoo la filayo wefti kale oo ay Hargeysa usoo diraan.

Comments are closed