Uncategorized

Alshabaab oo Sheegtay in Ciidamo Shisheeye ahi ay Duulaan ku soo qaadeen

Baraawe 05.October 2013 (SDN)- Xubno ka tirsan kooxda mintidiinta islaamiga ah ee al-Shabaab ayaa sheegay in mid ka mid ah xeebaha koofurta Soomaaliya ee ay ku xoogga badan yihiin ay weerar ku soo qaadeen ciidammo shisheeye.

Kooxdu waxay sheegtay in askarta shisheeye ay saaka waaberigii hore weerar ku qaadeen guri ku yaal magaalada Baraawe, Qof goobjoog ahaa waxaa uu sheegay in hal dagaalyahan la dilay lana maqlay dhawaaqa hub culus.

SOMALIA MILITIAWarar qaar ayaa sheegaya in dayuurad kuwa qumaatiga u kaca ah ay weerar ku lug lahayd,Warar kale waxay sheegeen in askar ay habeenkii xalay magaalada ka soo galeen dhinaca badda.

Al shabaab waxay sheegeen inay fuliyeen weerarkii dhimashada badan keenay ee labo toddobaad kahor lagu qaaday xarun dukaammo oo ku taal magaalada Nairobi oo qayb ahaan ay leedahay Isra’el.

Afar sano kahor ciidanka Maraykanku waxay weerareen magaalada Baraawe si ay u dilaan nin lagu tuhunsanaa inuu ka tirsan yahay al-Qaacida.

Baraawe SDN.

Qurbejoog.com