|

AMISOM oo shicib ku laayay Qoryooley

Qoryooleey (qurbejoog.com) – Wararka aanu ka heleyno magaalada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Africa ee halkaa ka hawlgala ay dad shicib ah halkaa ku laayeen xalay.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay xalay salaadii cishaha dabadeed ay bilaabeen in ay madaafiic culus ku gaaraacaan xaafada Hodan.

Madaafiicda ayaa la xaqiiyay in ilaa hal ruux ku dhintay halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Lama garanayo sababta ciidamadu madaaafiicda u rideen.

Dadka dhaawaca ka soo gaaray duqeynta ayaa la sheegay in Muqdishu loo soo qaaday.

Masuuliyiinta degmeda Qoryooley iyo saraakiisha ciidamada ayaan ilaa haatan ka hadal dhacdada.

Comments are closed