|

Ammaanka Muqdisho Oo La Adkeeyey Iyo Madaxweyne Erdogan Oo Erdogan Oo Toddobaadkan Kusoo Wajahan

Muqdisho:Jan,20,2015(SDN/QJ)-Inta Badan Jidadka Magaalada Muqdisho, ayaa lasoo dhoobay Ciidamo badan, waxana baadhitaanno xoog leh lagu hayaa Gaadiidka kala duwan ee Waddooyinnka Isticmaalaya, iyadoo  baadhitaanadaas lagu sababaynayo Wafti uu Madaxweyne Erdogan hoggaaminayaa ay toddobaadkan kusoo fool leeyihiin.

waregeWadooyinka xidhan ayaa waxaa ka mid ah wadada ka soo baxda garoonka dayuuradaha ee Aden Cadde, waddada Maka Al Mukaramma oo ka xidhan daarta Zobbe illaa iyo madaxtooyada iyo sidoo kale wadada Tarabuunka.

Gaadiidka ayaa bilaabay inay isticmaalaan wadooyin kale iyadoo la arkayo gaadiid safaf dhaadheer ugu jira sidii ay u dhex mari lahaayeen xaafadaha ay dadku degen yihiin.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta soo gaadhay wafdi hordhac u ah booqashada madaxweynaha Turkiga iyadoo wafdigaasna ay badankood yihiin diblumaasiyiin,saraakiil dhinaca ammaanka ah iyo qeybta Protocolka.

Hase yeeshee illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Federalka Soomaaliya ee la xiriirta booqashada Madaxweyne Erdogan iyo wafdiga maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho.

Waddooyinka maanta la xidhay ayaa muddo saddex maalmood ah hore loogu xidhey shirka 53-aad ee urur goboleedka IGAD iyadoo mudadaasna dhibaato badan ay ku noqotay isu socodka gaadiidka iyo dadkaba.

Booqashada madaxweye Edogan ayaa noqonaysa tii labaad ee uu ku yimaado dalka Soomaaliya waxayna noqonaysaa madaxweynihii ugu horeeyay ee soo booqda dalka Soomaaliya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed