Mousil:Jan,20,2015(SDN/QJ)-Kooxda Islaamiga ah ee Daacish, ayaa dabaq dheer kasoo tuurtay laba nin oo lagu eedeeyey inay is qabeen, iyadoo dadweyne aad u tiro badanina ay daawanayeen dhacdadaas.
Fulinta dilka noocan ah, ayaa ka dhacay Magaalada Mousil ee Dalka Ciraaq, waxana la sheegay in raggan ay maxkamad islaami ahi xukunkan ku ridday.
Isis ayaa xukunka shareecada mariyay labadan nin ee ku eedeysnaa dambiga ah inay is qabeen iyagoo hal jinsi ah, waxana ay bartooda internet-ka soo geliyeen Sawirrada Raggaas oo dabaqa dheer laga soo tuurayo.
Xukunkan ayaa waxa si weyn looga hadal hayaa dunidfa reer Galbeedka, waxana si weyn uu falkani naxdin ugu beeray dadkii daawanayey ee kasoo qaybgalay.
SDN/QJ
