|

‘’Anigu hadii aan ka gardaranahay Faysal Wallaahi Ardaagiisa Reer Suldaan Guuleed ayaa xidhe ii ah oo wax Allah iyo wixii ay iigu taliyaan ogolahaye,Laakiin Isagu..’’ Cali Guray

Hargaysa 01.July 2016 (SDN/QJ):-  Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ ayaa ka Falceliyey Hadal shalay ka soo Yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Sheegay inaanu Xisbiga Ucid Wax Muran ahi ka Jirin laakiinse dad Mashruuc soo qaatay ay Meelahaas la Wareegaan In Xisbigii la isku haysto.

Cali Guray iyo FaysalCali Guray ayaa Qoraal Kooban oo Garnaqsi ah Ku faafiyey Shabakada Facebook Waxa uu ku sheegay in Khilaafka Ucid ka dhex aloosan dabiibkiisa loo geeyay Hal doorka Ummada ee Muxtarimka ah,Isla markaana dhinaca Faysal aan laga hayn wax garawshiiyo ah Waxaanu intaas ku daray in Muranka u dhexeeya isaga iyo Faysal Cida Xidhe u noqonaysa ‘’Cali Guray’’ ahaan ay Tahay ardaaga uu ka soo Jeedo Gudoomiye Faysal Isla markaana uu Qaadanayo hadii ay ku yidhaahdaan adigaa Khaldan,Hasa yeehee Wuxuu Mugdi geliyey Cida uu Ogolaanayo Gudoomiye Faysal.

Ucid Isma haysato oo Waa Run ee Hadaa Maxaa si ah? Waxa baa si ah oo waxa si ah waxa is haysta UCID iyo Faysal. Wuxu ku leeyahay anigu UCID ma ihi ee UCID baa aniga ah.

Aniga oo Faysal ah ayuu UCID iga bilaabmaa anigana oo Faysal ahna wuu igu dhamaadaa. Xisbiyahanka iyo bahwaynta UCID oo dhamina waxay cod dheer ku leeyihiin WAA BEENTAA!

UCID waxa ka soo baxay 21 Xildhibaan oo baarlaman ah waxa kaga soo hadhay Xildhiba Qabilleh oo keliya kuwii yaqaanay ee Ciidagalle ayaa iskaga dhaqaaqay.

Khilaafka UCIDna halkuu Ciidagalle iska taagay waa la ogyahay hadii ay karayaan far iyo suul bay ku qaadi lahaayeen si ay uga badbaadiyaan xisbiga UCID oo 14 sanadood ay taageeradiisa u heelanaayeen oo ay xoog iyo xooloba ku beeleen.

Maantana waxay ku taamayeen in xisbiga UCID uu mar uun Xisbul xaakim noqdo waanay ogyihiin fursadda uu haysto. Ninka keliya ey u taag waayeen Jamaal Cali Xuseen maaha waa isaga Waa Faysal.

Hadii ay hogaamiye dhaqameed yihiin hadii ay indheer garad iyo aqoon yahan yihiin iyo hadii ay mujaahidiintii SNM iyo UFFO yihiin looma kala hadhin, gadh iyo gomodba way qabteen waanay ka quusteen.

Khilaafka UCID iyo isaga u dhexeeyana inu gardaran yahay cid waliba way ogtahay hadana cid kasta oo nasteex u ah UCIDna danaynaysa dhego uma leh.

Qof kasta oo kale oo UCID ah waxa jira cid xidhe u ah oo hadii uu gardaran yahay qaban karta una qabsoomi karo.

Anigu hadii aan ka gardaranahay uu iga hagaagsan yahay wallaahi ardaagiisa Reer Suldaan Guuleed ayaa xidhe ii ah oo wax Allah wixii ay iigu taliyaan ogolahaye isaga yaa xidhe u ah? Bal isaga ha la waydiiye xidhahiisa ilayn qof binu aadmi ah oo xidhaba lahayni waa masiibo sideeda u taalla eh?

Waxa iigu dambaysay isaga oo igu yidhi aniga xidhahaygu waa labadaa nin waxay yidhaahdaan bay iigu dhan tahay hadii aad wax garan waydo waa kuwan ee iyaga uun la xidhiidh.

Iyagii ayaa yaabay markuu qandaraaskan cusub soo qaatay oo gacanta ka taagay markuu wax walba ka diiday aakhirkiina isa soo taagay anaga habartii na laguma haleeyo. Markaa ma meel loo noqdo oon sharcigana aan ku dayno ahayn baa jirta? Ayuu Cali Guray ku soo Gabo gabeeyay Qoraalkiisan.

Comments are closed