|

“Mashruuc-Ba La Qaatay La Yidhaa Xisbiga Ucid Wuu Is Haystaa, Rooda Axmed Yaasiin Waxaan Siiyay Digniin, Xildhibaan Qabille Isagu Xisbiga Ucid Kuma Jiro” Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Qodobo Badan Bayaamiyay DAAWO

FAYSAL CALI WARAABEHargaysa 01.July 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa ka hadlay Hadalo ay Warbaahinta Siisay Marwo Rooda Axmed Yaasiin oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Isla markaana ay ku durtay Heshiiska Xukuumadu ku Wareejinayso Dekeda Berbera Waxa uu Gudoomiye Faysal Sheegay inuu Rooda siiyay Digniin kadib markii ay ka hor timid Siyaasadiisa.
Gudoomiye Faysal ayaa Sidoo kale Jagadii Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray Waxa uu ku Sheegay inuu Xilkaas Hayo Mr Jiir.
Mar uu Gudoomiyuhu ka hadlayay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ah Xubinta Qudha ee Xisbiga Ucid uu ku Leeyahay Golaha Wakiiladda ayaa Sheegay “ Xildhibaan Qabille Xisbiga Ucid Kuma Jiro, Dad Hortii Ayuu Naga Tagay, Barigii Aanu Soo Saarnay-Ba , Markii Uu Maqlay Jamaal Cali Xuseen Ayaa Murashax Ah Ayuu Haddana Jambiga Naga Soo Fuulay, Laakiin Nooma Yimaaddee Jamaal Ayuu La Qaylaa ..”

Comments are closed