|

“Anigu Ma Ihi Sixiroole Mana Ihi Qof La Shaqeysta Sheydaanka.”. Sheekhii Dadka Ku Dabiibey Duleedka Hargeysa oo Ka Jawaabay Eedo uga Yimi Qaar Ka Mid ah Culimada DAAWO

Hargaysa 31. May 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Abdul Xaq oo ah sheekhii maalmahii u dambeeyey duleedka koonfureed ee Hargeysa ku dabiibaayey dadka tirada badan isla mar ahaantaana caanka ku ahaa rusheynta dadka isaga oo u adeegsanaaya siddii uu dadkaas uga daweyn lahaa sixir iyo weli ba wax loo yaqaano isha Bani Aadamka ee dadka ku dhacda, ayaa maanta si adag uga jawaabay eedo tira badan oo uga yimi qaar ka mid ah culimaa-uddiinka Somaliland oo sheegaayey in uu yahay sheekh Sixiroole ah, waxaana uu eedahaas kaga jawaabay in ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin balse uu wax ku daweynaayo qowlka Eebe.

“Waxaan akhriyaa waa waxaad wada maqasheen mana qarsoona oo anigu ma ahi Faaliye ama Saaxir la dhuuntay waxa uu sheegayo sameecado waawayn ayaan ku xidhay waxa kasoo baxayaana waa kalaamu rabbil caalamiin.. halkana waxaan u imid inay tahay dalkaygii ama ehelkaygii dadka qaar waxay is leeyihiin ninkani wuu fogyahay laakiin dadka haloo sheego inaan ahay boqolkiiba todobaatan Somalilander adigu saad doonto usoo baadh waxaan nuugay naas awlaadayda oo dhana waa Somalilanderiin meeshan iskamaan iman ee waxa i keenay dhiig iyo hilib waxaana doonayaa inaan u hiiliyo dadkayga la sixray ee sixirka lala daba istaagay”

Comments are closed