|

‘’Anigu Waan Ka Tanaasulay Federaalkii Laakiin Iyaga (Kulmiye) Waxaan Weydiinayaa inay ka Tanaasuleen Maryo Aloolkii’’ Prof Ismaciil Hurre Buubaa DAAWO

Hargaysa 02.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Prof Ismaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah siyaasiyiinta ku bahoobey xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee ayaa waxaa uu adag uga jawaabey hadlo dhawaan ay ku dureen siyaasiyiin ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye oo ku sifeeyey in uu Buubaa aminsan yahay nidaamka federalka ah ee dalka Somaliya .
buubaaMuddane Buubaa waxaa uu sheegay in aanu isagu aaminsaneen nidaamkaasi balse qolada Kulmiye uu weydiinayo in ay ka tanaasuleen maryo alool nimadii waxana uu yidhi
“Federaalka iyo arimahaas ay sheeg sheegayaan wax alaale wax ka jiraa ma jiro aniga federaalka 2007 ayaanu isku badhaadhnay oo aan diiday in aan saxeexo aniga oo ah wasiirka arimaha dibada ah , arinta federaalka ee ay ku cel celinayaan waa hore – hore ayaanu kala soconey , anige se ka tanaasulay federaalkii iyaga waxaan weydiinayaa in ay ka tanaasuleen maryo aloolnimadii ” ayuu yidhi siyaasi Prof Ismaciil Hurre Buubaa
Sidoo kale Prof Buubaa waxaa uu ka hadley hadlo gudida doorashoyinka oo dhawaan sheegay in aanay heynin qeyb ka mid ah lacagtii doorashada waxaana uu ku sifeeyey fashilaad ku timid xukuumada Kulmiye
” Arintaasi waxaa ay cadeynaysaa in dawladii Kulmiye fashilantey waana markii labaad oo arimo xasaasi ah ay xagal daaciso ” ayuu yidhi
Gabo gabadii Prof Buubaa waxaa uu ka hadley shirkii golaha dhexe ee dhawaan xisbiga Kulmiye qabsadey oo gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Muddane Axmed Muumin Seed ka cadhoodey waxaana uu yidhi
“Waaan fadhiyey markii ay doorashadu dhaceysay Axmed Muumin Seed markuu arkey in dad badani u codeyeen ninki ay tartamayeen ayuu ka baxay meesha waxaana ay aheyd wax lagu sii talo galy ” ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey Prof Buubaa

Comments are closed