|

Wakhti Kooban oo Ka Hadhay Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada Khilaafaadka Xisbiyada Somaliland Ka Dhex Aloosan & Humaagyada ku Meersan Doorashada Faallada Shabakada Qurbejoog

Hargaysa 02.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Waxaa rajo yar laga qabaa in Doorashada Madaxtooyadu ay ku qabsoonto Xiligii loo qoondeeyay inay Somaliland ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada oo Bisha Sadexaad Taas oo loo Sibir saarayo  Kadib Markii Qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka Caawiya Dhaqaalaha doorashadu ay Cadeeyeen in aanay Maalgelinayn Doorashadaas ilaa la is raaciyo Labadii Doorasho ee Isku Lamaanaa ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada hasa yeeshee Xukuumadu Waxay balanqaaday inay Bixinayso dhamaanba Kharashka ku baxaya Doorashada iyo Qaybinta Kaadhadhka Codbixinta Waxaa kale oo aan qarsoonayn in Dawladu aanay wada hayn dhaqaalaha doorashada.

Doorashooyinka SomalilandIyadoo weli walaacaasi taagan yahay ayaa waxaa sii Xoojinaya Khilaafaad Wejiyo badan leh oo ka dhex taagan Sadexda Xisbi oo Mid kastaaba Midab Gaar ah leeyahay Markaynu ablo ablayno Noocyada Khilaafkaas Mid kastaba aynu dhankiisa ka eegno.

Xisbiga Ucid:-

Waa Xisbiga ugu Cimriga dheer ee Somaliland ka Jira Waxaa Sannadihii u danbeeyay uu la daalaa-dhacayay Khilaaf u qaybiyey Laba Garab Isla markaana keenay inuu Mar labaad galo Maxkamada Sare ee distooriga ah si ay uga garnaqdo Muranka ka dhex aloosan Xisbigaas Iyadoo Go’aano ka soo saartay Khilaafkaas inkasta oo Ilaa hada sidii la rabay aanu u fulin qaraarkaas Maxkamada Distooriga ahi soo saartay,Waxaanu Xisbiga Ucid Yahay Xisbiga Qudha ee Weli aan si rasmi ah loo Xalaalayn Murashixiintiisa uga qayb galaya Tartanka Doorashada,Maadaama la rabo in Shirka Golaha dhexe ee Maxkamada sare ku baaqday inuu Xisbiga Ucid qabsado lagu Ogolaan Karo Murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen amase Lagu diidi Karo Iyadoo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Marar door ah uu ku Dhawaaqay inuu yahay Mar Sadexaad Murashaxa Calanka u qaadi doona Xisbiga Guul darada Wehelka la ah ee Ucid,Iyadoo dhanka Kalena aanu Jirin Wax Barnaamij Siyaasadeed ah oo Xisbigani Bulshada ka iibinayo.

Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye:-

Xisbiga Kulmiye ayaa hadal haynta Xoogan ee Suuqyada Siyaasada ugu Jirtaa Waxay tahay inay soo if baxday Muran laba dhinac ah oo Ku Wajahan Qabashada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maadaama uu haatan Xilkaas iyo ka Murashaxa Jagada Madaxweyne isku hayo Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa Jira dhaqdhaqaaqyo ay dabada ka riixayaan Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbigaas Mudane Maxamed Kaahin Axmed Iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamud Xaashi Cabdi oo Midkastaaba Goonidiisa u rabo in lagu soo wareejiyo Gudoomiye-nimada Xisbiga Kulmiye Taasina ay ku adag tahay Sida Xoguhu Sheegayaan inuu Gudoomiye Muuse Biixi Go’aan ka qaato,Waxayna qadiyadani soo ifbaxday Kolkii Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi ‘’Cirro’’ uu Ku dhawaaqay inuu Jagada Gudoomiyaha Xisbigaas u baneeyay Beesha Gobolka Haw doo uu ka rabo Taageero iyo Hiil Siyaasadeed Isla Markaana loo Cumaamaday inuu Xilkaasi qabto Gudoomiyaha Ku Meel gaadhka ah ee Xisbigaas Xildhibaan C.qaadir X.Ismaaciil Jirde.

Iyagoo ku rajo weyn inay ka soo Kabtaan Hantaaqadii ka dhalatay Shirkii lagu doortay Murashixiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Isla markaana ay ka Jabeen Garabkii la Magac baxay Isbahaysiga Dimuquraadi doonka Kulmiye.

Sidoo Kale Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa Ilaa Iminka Ku Guulaysan inuu Shacabka ka Iibiyo una Soo Bandhigo Barnaamijkiisa Siyaasadeed ee uu Tartanka Doorashda ku galayo.

Xisbiga Waddani:-

Wuxuu ahaa Xisbiga ugu da’da yar Axsaabta Somaliland Mudadii aasaaskiisa ka soo Wareegtay Wuxuu sameeyay Horumar aan laga Filayn Siyaasada Hogaankiisa Gaar ahaan C.raxmaan Cirro ayaa dadku u arkayeen Mid Qunyar Socod ah.

Waxaa Xisbiga Waddani Ku Biiray inta badan Ururadii Siyaasada ee ku hadhay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka Sidoo kale waxaa bah-wadaag la noqday Siyaasiyiin Miisaan ku leh Saaxada Siyaasada Somaliland Waxaanu Gaadhay Guulo aan la dhayalsan Karin,Hasa yeeshee Kolkii ay Xisbigaas ku biireen Garabkii Isbahaysiga Dimuquraadi doonka ahaa ee Kulmiye ayaa Waxaa soo baxay Khilaaf soo Kala dhex galay Siyaasiyiintii Xisbiga hore ugu Jiray oo aan la dhacsanayn Ku Soo Biirista Garabkan ee Xisbiga Waddani iyadoo Garabkani ay Xisbiga la galeen Heshiis Maamul Wadaag Isla markaana la siiyay Jago ku Cusub qaab dhismeedka Xisbiga oo ah Hogaamiye,Xubno Miisaan leh ayaa bannaanka ka istaagay Xisbiga Waddani Kuwaas oo dhalasho ahaan ka soo Jeeda Beesha Bariga Burco marka la eego Sababta ay dibad jooga uga noqdeen Xisbigooda waxay ubucdeedu ku ururaysay Cadho ay ka qabaan Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyagoo la baxay Garabka Toosinta Xisbiga Waddani,Waxaa qadiyadan sii huriyey Maalintii u danbaysay ee Gunaanadka Shirkoodii Golaha dhexe ee Lagu doortay Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne iyo Ku Xigeen oo loo kala doortay C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro iyo Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi Waxaana Shirka dibada uga baxay Gudoomiye Ku Xigeenkii 1aad ee Xisbigaas Mudane Axmed Muumin Seed oo u Tartamayay Jagada Madaxweyne Ku Xigeen hasa yeeshee Sheegay in Natiijadii Shirkaasi ay ahayd Mid Xaaran ah Isla markaana uu Maxkamada gayn doono Midhaha ka soo go’ay Shirkaas golaha dhexe.

Axmed Muumin Seed Wuxuu ku Biiray Garabka Toosinta ee Xisbiga Waddani Taasina Waa Khilaafkii Kowaad ee Xisbigaas soo Kala Dhex gala Waxayna Fursad Siyaasadeed u tahay Xisbiga Talada haya ee Kulmiye oo dhankiisa Guclo ugu Jira sidii uu hannan lahaa Miisaanka Siyaasadeed ee uu Lumiyey Xisbiga Waddani,Waxaa kale oo aan la Saadaalin Karin Halka Garabkani Mustaqbalkooda Siyaasadeed ku biirin doonaan.

Komiishanka Doorashooyinka:-

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ee Haatan ayaa loo arkaa Kuwo ay adag tahay Sida ay uga soo baxaan Hawsha Garsoor ee Dhinaca Doorashooyinka, Komiishanku Waxay ku adkaysanayaan in Doorashadu dhaci doonto Xiligii loo Mudeeyay ee 28 Bisha March 2017-ka.

 

Waxa maalmahan soo if baxaya oo ay bulshadu isha ku haysaa aragtiyo muujinaya in aan doorashada Madaxtooyada lagu qaban Karin xilligii hore loogu cayimay oo ay ka hadhsan tahay muddo ka yar afar billood, islamarkaana ay jiraan hawlo farsamo oo u baahan waqti ka badan intan oo ah habsami u hufida, kala saarista, Daabacaadda iyo Qaybinta kaadhadhkii diwaangalinta Codbixiyeyaasha doorashooyinka Qaranka Somaliland oo la’aantood aan doorasho la gali Karin, halka ay jiraan aragtiyo kale oo sheegay in xaalada Abaareed ee dalka haatan ka alloosani ay sababi karto in doorashada waqtigeeda dib uga dhacdo iyo waliba in beesha Caalamku Somaliland culeys ku saarto in mar kale dib loo dhigo Doorashada oo mar la wada qabto doorashooyinka Wakiilada iyo Madaxtooyada.

 

Markii Madaxweynuhu kala qaaday Labadii Doorasho ee Isku lamaanaa ee Madaxtooyada Iyo Wakiilada Waxay Caddaadis Xoogan Qaadhaan Bixiyeyaashu Somaliland ugu soo Jeediyeen in Si aanay u Lumin Kalsoonida Qaadhaan bixiyeyaasha in laga noqdo Go’aankaas.

Komiishanka Doorashooyinka ayaa Shir Saxaafadeed ay qabteen 30 Bisha October Waxay Ku Sheegeen  in Qaadhaan Bixiyeyaashu ay Somaliland Gacan ka siiyaan Dhaqaale dhan 75% halka Dawlada Somaliland ay Bixiso 25% Waxaa kale oo ay Dawladu Sheegtay in iyadoo Gudanaysa Xilkeeda ay Bixinayso dhamaanba Wixii Kharash ah ee Doorashada ku baxaya.

Gudoomiyaha Komiishanku Wuxuu Sheegay in Xukuumadu Bixisay 4 Milyan oo Dollar Halka  Qaadhaan Bixiyeyaashu ay Balanqaadeen 2 Milyan oo dollar Hasa Yeeshee Waxaa Jira Faraq soo Baxay oo Ku dhow 4 Milyan oo dollar Sida uu Sheegay Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranku Isagoo intaas ku daray inay Waajib tahay Sidii farqigaas Lacageed aynu qaran ahaan isaga bixin lahayn.

Qaadhaan bixiyeyaashu Waxay Sheegeen inay Bixinayaan 2 Milyan oo Dollar oo Ku Socota Waraaqaha soo daabistooda Iyo Mishiinada iyo Kaadhadhka iyo Qayb ka Mid ah Shaqaalaha Xarunta.

Ilaa hada dhaq dhaqaaqyada Socdaa Si Cad uma Muujinayaan In Doorashada Madaxtooyadu ay Wakhtigii loo asteeyay ku dhacdo tanina Waxay noqon doontaa in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Golaha Guurtidu Qallinka ugu duugaan Mudo Kordhin kale Taas oo Shaki gelin doonta Hannaanka Geedi Socodka Dimuquraadiyada Somaliland.

Source Qurbejoog.com

Comments are closed