|

“Anigu Waxaan Ahay Ragga Markay Arkaan In Gabadhu Yar Caajisan Tahay Raashinka Karinayey, Carruurtana……..” Wasiir Caddaani DAAWO

Hargaysa 22. December 2016 (SDN/QJ):–Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani), oo Shalay Xilka u kala wareejiyey Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Marwo Shukri Xariir Ismaaciil iyo Wasiir ku-xigeenka Cusub ee Wasaaraddaasi, ayaa sheegay inuu si gaar ah xil iskaga saarayo horumarinta Hablaha Hawl-wadeennada ka ah Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiir Caddaani wuxuu sheegay in inta uu Wasaaradda Warfaafinta jooga uu Xil iska saarayo Hablaha hadday tahay dhanka Shaqooyinkooda iyo haddii Xilal looga dhiibayo Waaxaha Wasaaraddu ka kooban tahay.

Wasiirka oo khudbaddiisa ku soo daray Weedho Kaftan ahaa, ayaa sheegay inuu ka duwan yahay Masuuliyiinta kale, maaddaama buu yidhi Maraykanka oo uu ka yimid Raggu la shaqeeyaan Dumarkooda, sidaa darteedna uu Dadka kale uga nugul yahay taageeridda Haweenka.

“Intaan Anigu Wasaaraddan joogo, Hablaha Wasaaradda joogaa qayb mug leh ayay ka qaadan doonaan, hadday xil tahay, hadday shaqo tahay, hadday tahay Maamuuska iy Maqaamka ay mudan yihiin Hablaha Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Anigu waxaan ka imid Ameerika, Emeerikana Habluhu sidan halkan maaha. Waxaan ahay Ragga markay arkaan in Gabadhu yar Caajisan tahay intay Tayga iska bixiyaan Raashinka karinayey, Carruurtana ka maydhayey Hawlaha… Markaa waa arrin fudud (taageeridda Haweenku), laakiin dhibku wuxuu haystaa Ragga halkan (Waddanka jooga) ee Annaga ILAAHAY naguma xilin.”

Comments are closed