|

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inaan La Saxeexayn Heshiiska Imaaraadku Saldhigga Kaga Samaysanayo Berbera Illaa Baarlamaanka Ogolaado DAAWO

Hargaysa 22. December 2016 (SDN/QJ):–Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Warar Shalay ku soo baxay Warbaahinta Gudaha, kuwaasi oo sheegayey in Dawladda Imaaraadka Carabta iyo Somaliland si rasmiya u kala saxeexdeen Heshiis uu Imaaraadku Saldhig Ciidan kaga samaysanayo Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu Dawladda Imaaraadka hore uga aqbalay Codsi ah inay Saldhig ka samaystaan Madaarka Berbera, laakiin aanu illaa hadda jirin Heshiis rasmiya oo labada Dawladood kala saxeexdeen, sidaa darteedna Wararka lagu sheegay in Heshiis dhacay ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin.

Wargeysyada Hargeysa ka soo baxa qaarkood, ayaa Shalay daabacay in War ay ka soo xigteen Wargeys Caalamiya, kaasi oo sheegay in Xukuumadda Somaliland u Saxeexday Dawladda Imaaraadka Heshiis u fasaxaya inay Saldhig Milletari ka samaystaan Madaarka Diyaaradaha ee Berbera, Heshiiskaasi oo ku wakhtiyeysan muddo 25 Sannadood ah, laakiin Wasiirka Duulista oo Warkaasi daba socda, ayaa yidhi, “Waxaanu qarinayno Maaha in Madaxweynuhu uu Dawladda Imaaraadka ka aqbalay Codsigoodii ahaa inay Saldhig Milletari ka samaystaan Madaarka Berbera markii Weftigii uu hoggaaminayey Safarka ku tagnay Imaaraadka bishii September, laakiin waxa qalada oo aan u arkaa inay tahay waxaan jirin inay yidhaahdaan heshiis baa la galay, markaa warka odhanaya Heshiis baa la galay maaha wax jira, hadduu heshiis jiro ka keenaan wuxuu ahaa”

Wasiir Haybe wuxuu sheegay inaanu illaa hadda dhicin wax Heshiis ah oo dhex maray Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, “Waxaan Ummadda Jamahuuriyadda Somaliland u caddeynayaa inaanu jirin heshiiskaasi, maalinta la saxeexayana Jamahuuriyada Somaliland Anigaa uga Wakiil ah, maaddaama Madaarradu hoos yimaaddaan Wasaaraddayda.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Madaxweynuhu uu Dawladda Imaaraadka u sheegay inay ogolaanshiyo waydiisanayaan Baarlamaanka si guda-galka heshiiskan loogu fasaxo Xukuumaddiisa, “Madaxwaynuhu codsigaa Imaaraadka Carabtu ay u soo jeedisay ee ay yidhaahdeen waxaanu doonaynaa inaad saldhig military   naga siisaan Berbera, Madaxwaynuhu wuu ka aqbalay, laakiin wuxuu soo jeediyay oo uu ku yidhi Qaran jiraanu nahay Dawladnimadiisa leh iyo nidaamkiisa,  Goleyaal leh, sharci-dejintii leh, waxna awood dhamaystiran baan u leeyahay ka Madaxwayne ahaan, waxna waxay ku xidhan yihiin in la mariyo Goleyaasha Qaranka, markaa wuxuu yidhi aan isku noqono oo xeerkayagii soo eegno, sidoo kalena aan Golaha Barlamaanka hor-geyno in ogolaanshiiyo na loo siiyo oo aan wada-xaajoodka galno in Madaarka berbera saldhig military laga dhigo, markaa lagama wada-hadalba 25-kaa sano ee ku qornaa (Wararka la baahiyey), Waayo? Shuruudaha iyo wixii lagu heshiinayo waxa la geli karayaa marka Madaxaweynaha ay siiyaan ogolaansho Golahayaasha xeer-dejintu, arintiina illaa hadda odoroskeedii iyo naaqishaaddeedii ka Xukuumad ahaan waanu  ku jirnaa, laakiin wax la horgeeyay Golihii Barlamaanka maaha.”

Comments are closed