|

Aqoonyahan Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi Oo La Filayo In Uu Ka Dhex Muuqan Doono Isku Shaandhaynta Soo Socota Ee Madaxweyne Siilaanyo

Liibaan123

Hargeysa 7. February,2016(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu dhawaan isku shaandheyn sal balaadhan ku samayn doono xukuumadiisa, taas oo ay xogaha qaar tibaxaayaan meelaha qaar la isku badali doono halka qaar cusub na lagu soo dari doono, haddaba dadka maalmahan dambe suuqa iyo goobo badan oo u dhuun daloola qasriga madaxtooyada laga hadal hayay ayaa wax ka mid ah Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi oo ka mida dhalinyarada aqoon yahanka ah ee ugu firfircoon xaga falanqaynta siyaasadda. Waxaanay xogaha shabakada oodweyne helayso ay tibaaxayaan in madaxweynaha iyo xubnaha qasriga madaxtooyadu ay aad ula dhaceen qoraalo waayadan dambe uu si taxane ah uu ugaga faaloonayay arrimaha dhaqaalaha taas oo markii dambena lagu arkay inuu ka soo muuqdo muuqbaahiyaha ama tiifiiga qaranka, waxaanay xogahu intaas ku darayaan in waaydan dambe ay aqoonyahan Liibaan xidhiidh dhaw lahaayeen qasriga dalka looga arrimiyo halkaas oo dhawr jeer lagu arkay isaga booqasho ku jooga inkasta oo aanay tibaaxuhu sheegin cidda uu la kulmayay, si kastaba ha ahaatee shabakada oodweyne oo khadka telefoonka gacanta ku raadisay si ay bal arrintaas wax uga waydiiso ayaa markii aanu khadka ku helnay waxa uu ku gaabsaday oo aannu isku daynay in aannu xoggo dheeri ah ka helno Wararkan waayadan danbe suuqa ku jira ee sheekaya inuu la filayo inuu kusoo baxo Liiska Isku-shaaynta Madaxweyne SIILAANYO la filayo inuu dhawaan Xukuumaddiisa ku sameeyo,ayaa si kooban u yidhi “qofka muwaadinka ahi,xaq ayuu u leeyahay inuu xil qabto iyo bulshadiisa in uu adeego , wax ii diidaya ma jirto, arrimahaas magacaabista ee aad sheegaysaana,waana arrimo u yaala madaxweynaha inuu cidda uu doono ee uu arko inay la shaqayn karto magacaabo iyo inuu cidda uu doono ee uu arko inaanay la shaqayn karayn xilka qaado, markaa wallaalo qasriga madaxtooyada ayaad waydiin kartaan”.

Si kasta oo ay tahay jawaabta uu liibaan ka bixiyay tuhunadan ayaan ahayn mid cad, geesta kale haddii ay dhacdo magacaabistani waxa aan la garanahayn in cid lagu badali doono iyo in iskii loo Magacaabi doono.

Dhinaca kale, haddii magacaabistiisaasi run noqoto waxa laga filan kara Liibaan inuu xukuumada iyo meesha loo igmadaba wax cusub ku soo kordhin doono maadaama oo lagu xanto inuu yahay dhalinyarada wadaniyada iyo laxajeclada u qaba qarankan curdinka isla markaana uu bulshada dhexdeeda ku leeyahay ixtiraam badan isla markaana uu aad u haysto taageerada beesha uu ka soo jeedo

XIGASHO: Oodweyne

Comments are closed