|

Mid ka Mid ah Salaadiinta Bariga Hargaysa oo Difaacay Xuquuqda Lahaanshaha ee Ganacsade Cumar Caydiid ee Tiyaatarka Hargaysa, Jawaabna ka Bixiyey Hadalo ka soo Yeedhay qaar ka Mid ah Madax dhaqameedka DAAWO

Hargeysa 7. February,2016(SDN/QJ):– Suldaanka Suldaan.Cabdirixiin Saxariid Kaahin oo ka Mid ah Madax dhaqameedka Beesha Bariga magaalada Hargeysa ayaa markii ugu horeysay ka Hadley Arimo ay ka mid yihiin muranka ka taagan Baraxada hore ee Tiyaatarka magaalada Hargeysa,Hadalo isdaba jooga oo ka soo yeedhay Madaxdhaqmeed ay ka mid yihiin,Boqor Buurmadow iyo Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan
Suldaan.Cabdirixiin Saxariid Kaahin waxaa uu ugu horeyn si adag uu u dufaacay arinta Ganacsade Cumar Caydiid isla markaaana waxaa uu dhawaaq dheer ku Cambaareeyey Xadhigii ay xukuumadu kula kacday Ganacsade Cumar Caydiid waxaanu Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Ugu Baaqay in ay ka jawaabto sababta lagu xidhay.

Suldaan.Cabdirixiin Saxariid Kaahin sidoo kale waxaa uu naqdiyey hadalo ka soo yeedhay Boqor Buurmadow iyo Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan.

Geesta kale Suldaan.Cabdirixiin Saxariid Kaahin Waxaa uu Xaal siiyey Bulshada reer Somaliland ee Dhibsatay Hadalkii Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan

Comments are closed