Uncategorized

Aqoonyahan Maxamed Haruun:Kulanka Djibouti ee labada hogaamiye maxaa ka soo bixi kara?

Su’aal adag weeyaan kolka si loo eego, maxaa yeelay ma joogno madasha lagu xaajoonaayo, kolka si loo eego na, waa su’al fudud, maxaa yeelay, sida maahmaahdu ba ay tahay, nimaad taqaan wad la joogtaa. Saw ma aha? Al-muhim, in yar oo qalad iyo sax ba noqon karta aan isku dayo. Haa, Somaliland hadii ay dood cusub iyo aragti cusub meesha keento, xataa ha noqoto Madaxweyne Silanyo oo yidhaaha Soomaaliya o dhan aan wada x…ukumo, wax uun la sheegi karo ayaa shirkaas ka soo bixi. Dabcan taasi waxa ay ku xidhantahay, hadii Somaliland ay doodeedii dib ugu noqotay, oo ikhtiyaarada u furan oo dhan ay falanqaysay, mana filayo in ay taasu dhacday. Hadii aanay shirkaas Somaliland dood cusub keenin na, wax ka badan intii hore ma maqli doono. Waxa ugu badani waxa uu noqon, sida ay ila tahay, is kaashi ku saabsan budhcad badeeda, argagixisada, iyo in caalamka la wada dawarsado. Dabcan waa hadalo ay ka qiimo badanyihiin waraaqaha lagu qorayaa.

Fiiro gaar ah: xasuusnaw, midnimada Soomaaliya ma aha mawqifka Xassan h Maxamuud oo kaliya, waa mawqifka wadamada Afrika, Carabaha, Yurub iyo Ameerika, oo lagu daray Qaramada Midoobay. Sidaas darted, labada dhinac ee kulmaaya, dhinaca midnimo doonka ah, ee haysta taageerada caalamka, oo xataa Djibouti da lagu shirayaa ay ku jirto, ma laga filaayo in ay dood cusub keenaan oo ku saabsan kala tagis. Sidaas darted, sababta kaliya ee shirkan wax kaga soo bixi karaan, waa Somaliland oo turubkeeda dib u soo baandhaysay, hadii aanay taasu jirin na, waxba ma ka soo baxayaan, in kulan la isugu yimaado na wax macno ah ma samaynayso. Isla sababtaas qudheeda uun weeyaan na midda ay wada hadalada dheeraaday waxba uga soo bixi waayeen, ee hadalada isku midka ah uun loogu celceliyo.