Uncategorized

Madaxweyne Axmed Silaanyo waxa uu guul la taaban karo ka soo hooyoy shirkii Djibouti maanta lagu soo afmeeray

Waa marka hore e waxa uu Madaxweyne Silanyo si xeeldheeri leh ugu guuleystay in wadahadaladda lagu soo daro guddi khuburo ah oo dhinaca sharciga caalamiga ah ku xeeldheer (International Legal Expertise), isla markaana wadamada jaarka iyo cidii kale ee daneyneysa ama looga maarmi waayo wadahadaladda waa uu ku guuleystey in laga soo qayb-galiyo.

Guusha Labaad ee uu Ma…daxweyne Silanyo wadahadalkan dawladda Djibouti marti-gelisay uu ka soo hooyey waa in si dhab ah loo taabto miiska wadahadaladdana loo keeno si loo faaqido mustaqbalka labada dhinac sida uu noqonayo. Qodobkan oo ay dawladda Somalia muddo dheer ka meeraysaneysey iyada oo dawladda Turkigu gacan fiican ka siineysa, waxa uu maanta Madaxweyne Silanyo qalinka ku duugay in qodobkii lixaad ee wadahadaladda dawladda Somaliland galiyey miiska la keeno.

Haddaba, waxa ay iswaydiintu tahay, labadan ammuurood maxay faa’ido u leeyihiin wadahadaladda dawladda Somaliland ay kula jirto Somalia. Waa ta koobaad e waxay midho dhal ka dhigayaan wadahadalkan dabada dheeraadey ee natiijo fiican laga gaadhi waayey. arrinta labaad waa iyada oo Somaliland/Somalia iyo cida kale ee ku wehelinaysa wadahadalku ay si toosa u lafa-guri doonaan qadiyadda Somaliland waana arrinta kaliya ee suuro galin karta gooni isutaag dhab ah oo Somaliland xaqiijiso. Haddii aad taariikhda dib ugu noqoto arrintani waa tii Sudan iyo South Sudan ku riixday in beesha caalamku ku qasabto wadahadal guntiisu tahay in dadka reer South Sudan lagu celiyo ogolaanshiyaha ka sii mid noqoshada dhul weynaha Sudan kaas oo markii dambe natiijada aftididu noqotey in South Sudan dal madaxbanaan noqdo. Maadaama oo uu yahay arrinkan sharci International customery law ah oo laba dal ku kala baxeen waxaa loo adeegsan karaa wadahadalka Somaliland iyo Somalia. Waana hubaal in si fiican uu Silanyo dabinkii ay muddo badan ka cararayeen u soo galiyo, waxaynu sugnaaba waa iyaga oo hadda si fiican ugu dhaca wadada xaqa ah ee 23 sano Somaliland ku taagneyd.

Mohamed Hagi Mohamoud

Department of Politics and International Studies

The University of Warwick