|

Aqoonyahan Maxamed Xagar OO Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Utaagan Kamid Noqoshada Xubnaha…

HAGAR

Minneapolis 25, 4,2016 (GM) – Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Xagar oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan inuu kamid noqdo xildhibaanada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Musharaxa ayaa sheegay in markii uu arkay dhibaatada ka jirta dalka ee aan kala joogsiga lahayn inuu go’aansaday ama uu ka qayb qaato sidii dalka looga saari lahaa dhibaatooynka iminka taagan. Waxana uu hadalkiisa ku bilabay.
 
“”” Marka hore waxaan salaamaya dhamaan umada Soomaaliyeed salaan kadib waxaan rabaa in aan umada Soomaaliyeed la wadaago inaan ahay musharax u taagan kamid noqoshada
baarlamaanka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ama aqalka hoose ee dalka oo aan u arko in aan wax badan ka qaban karo, Kadib markii aan arkay in dalkenu aanu u baahnayn is eedeyn laakiinse uu u baahan yahay sharciyo adag oo saamixi kara isla xisaabtan nin walba uu ogyahay cawaaqibka uu kala kulmi karo falka uu markaa samaynayo ayaan go’aansaday inan isu soo sharaxay xilkan”””””
Mr Xagar ayaa sidoo kale sheegay inuu la dagaalami doono
1. Musuqmaasuqa
2. Tahriibka
3. Saxiixa aan qiimaha lahayn, waxaana uu sheegay inuu la imaanayo isbedel dhinac kasta ah, waxana uu sidoo kale sheegay in loo baahaan yahay inilaahay loo noqdo ilaahayna quraanka uu waxa uu ku yiri (إن الله لا يغير ما بقوم حتى يغيروا ما بأنفسهم..)
Waxana uu musharaxa oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay sababaha ku dhaliyey inuu xilkan isu soo taago. Waxana uu yiri “””” Run ahaantii waxa igu dhaliyey inan shaqadan adag ee khatarta badan leh isu soo taago kadib markii aan arkay baahiyaha maanta wadankeena ku sugan yahay oo dhinac kasta leh, markii aan arkay dhibka shacabka Soomaaliyeed haysta, hooyada oynaysa, dhalinta bada ku dhamaatay, caruurta noolasha lagu gubo, caruurta beerka lagala baxayo, Waxaas oo dhan iyo wax kabadan ayaa waxay yihiin waxa igu riixaya inaan ka aamusi karin. Dhamaanteena waxa ina wada saaran masuuliyad””””” كلكم مثل ومسؤولية.على راعية
Ugu denbayntii musharaxa ayaa umada Soomaaliyeed kuwooda aqoonta leh ugu baaqay inaanayn dib isu dhigin ee ay ka qayb qaatan dib u dhiska dalka laakiinse ay iminka jaanis siiyaan dilaaliin aan inaba u diir naxayn umada Soomaaliyeed oo hadii 2 kun oo soomaali ah ay dhintaan ay kala wayn tahay bakhtiga shisheeye iyo habaro gaalo ah dhalashadooda…

Comments are closed