Uncategorized

“Waxay Ku Celceliyaan Waddaadku Waxbuu Raadinayaa,Waxba Ma raadinayo Haa Laakiin Waxbaan Raadinayaa” Sh.Aadan Siirro {DHAGAYSO}

Hargaysa 05.Oct 2014 (SDN/QJ)-  Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Aadan siiro oo Boqolaal Dadwayne ah ku tujiyay Garoonka Wayn ee Xawaadle ee Magaalada Hargaysa ayaa ka hadlay Cadaalad darada baahsan ee dalka ragaadisay isagoo farta ku fiiqay boobka lagu hayo dalka.

Sheikh Aadan Siirro Waxa uu sheegay inay Dalkan Boob ku hayaan Siyaasigiisii,Waddaadkiisii iyo Madax dhaqameedkiisa.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro), ayaa sheegay inaan Madaxweyne, Wasiir, Ganacsade Lacag badan haysta iyo Masuul aan xaaladda ummaddu ku sugan tahay waxba ka ogeyni noolaan doonin ee mid walba halkiisa lagu dili doono haddii aan wax laga qaban ka sarraynta nolosha iyo dilalka dadka aan waxba galabsan ee kuwii dilayna loo qisaasin ee ay iska joogaan ama Xabsi lagu hayo.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA SHEEKHA OO DHINACYO BADAN LEH
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/ShSiiro05.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com