Marwada Madaxweyne Siilaanyo Oo Diiwaanka Taariikhdeeda Laga Soo Saaray Hadal Foolxumo Badan Oo Maalintay Ku Tiraabaysay La Qurux Badnaa
Hargeysa:Nov,02,2014(SDN/QJ)-Marwada Madaxweynaha Somaliland ayaa Xilligii Xisbiga Kulmiye Mucaaridka ahaa waxa diiwaanka Loo Geliyey Hadal maalintaas la qurux badnaa oo faan iyo waxtar la ahaa, balse Maanta la foolxumaaday. Marwo Aamina Waris oo afmiishaanimo iyo codkarnimo caan ku ahayd ayey saxaafadda Somaliland si weyn u daba gashay weedho xanaf lahaa oo ay kaga dhawaaqday Magaalada Wajaale…
