Webmaster

    Ku-xigeenka Duqa magaalada Hargeysa oo Arooskiisa aan loo kala harin(SAWIRO)

    Hargyeysa Aug 16,2014(SDN/QJ)-Ku-xigeenka duqa magaalada Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne ayaa manta arooskiisu uu ka dhacay Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa. Arooska ku-xigeenka duqa magaalada Hargeysa ayaa noqday ka uGu hadal heynta badnaa magaalada Hargeysa sanadihii ina dhaafay. HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA ARODKA CABDICASIIS CAGAWEYNE SDN/QJ-Hargesa contact@qurbejoog.com

    Read More

      Xisbiga UCID oo masuuliyiin u magacaabay dalka France

      Hargeysa Aug 16,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee uUCID Md Faysal Cali Waraabe ayaa dalka France u magacaabay masuuliyiin xisbiga dalkaa uga hawlgeli doona, qoraalka lagu magacaabay labadan masuul ayaa sidan u qornaa: Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la Magacaabo Xilalka Banaan ee xisbaga waxa uu manta oo…

      Read More

        Xukuumadda Siilaanyo : Saarka Dhaantada Fanaaniinta Kililka 5aad, Ficiltankeeda Fannaaniinta Geeska iyo Dhaawaca ka soo gaadhay Madaxweyne lagu Doortay Gudaha Dalka; Saddex aan Is-qaban

        Hargeysa Aug 16,2014(SDN/QJ)-Xukuumada Somaliland ee uu Madaxweyne Siilaanyo hogaanka uyahey ayaa bilowdey inay Laficiltanto Fanaaniinta Xidigaha Geeska kuwaas oo ah faniin ku adag qaranimada iyo Jiritaanka Somaliland. Waxa maanta deegaanka Saax-dheer oo katirsan gobolka laascaanood lagu doortey madaxweyne Cusub oo ay caleemo saareen kooxda maleeshiyada ah ee KHAATUMO . Xukuumadan ayaa ku foogan in ay umadeeda iyo shacbigii  Somaliland…

        Read More

          Somalia pulls out of refugee talks again

          Somalia for the second time has pulled out of a long-awaited deal to repatriate more than half a million Somali refugees, and Kenya is now considering dealing with the administration of the Jubaland region. The tripartite commission was to be launched yesterday but the Somalia delegation failed to “show commitment” to the process, hence, cancellation…

          Read More

            QADIYADDA SOMALILAND IYO CALI KHALIIF GALAYDH

            Somaliland waa dal nabad ah isla markaana dimuqraadi ah oo leh dhamaan hay’addo dawli oo dastuuri ah iyo kuwa shacbiga ee ururada bulshadda. Waxa dalka aasaaskiisa dhaqaale yahay suuqa xorta ah, waxa kale oo seddex iyo labaatan kii sano ee u dambeeyey si toosa uga shaqeyneysey saxaafada madaxabanaan, cabirka iyo rayiga dadweynuhuna waxa uu ahaa…

            Read More

              Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta soo saaray war-murtiyeed ku aadan arrimaha amniga

              Muqdisho, 16, August, 2014… Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iiusl Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed, waxaa sidoo kale kulanka ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamud. Kulanka oo looga hadlayey ariimaha amniga iyo xaaladihii ugu danbeeyey…

              Read More

                Wasaarada Duulisa Somaliland oo Sheegtay in la Dhamaystiray Terminal Cusub oo Madaarka Berbera loo sameeyay

                Hargaysa 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasaaradda Duulista hawadda iyo gaadiidka cirka ee Somaliland waxay halkan kaga dhawaaqaysaa dhamays tirka dhismaha Terminalka cusub ee Madaarka Berbera International Airport. Dhismaha Terminalka oo mudo socday ayaa guud ahaanba la dhameeyey hawshiisa waxana maalintii shalay kormeer indho indhayn ah ku tagay Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo hawadda Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi,…

                Read More

                  Madaxweyne Gaas oo wadatashi la sameynaya Xildhibaanada federaalka ee ka soo jeeda Puntland

                  Garowe 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa maanta magaalada Garoowe kula kulmay xildhibaannada ka soo jeeda Puntland ee xubnaha ka ah baarlammaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxweyne Gaas ayaa xildhibaannada uga mahad celiyey sida ay u aqbaleen codsigii looga dalbaday in ay yimaadaan Garoowe. Gaas ayaa intaas ku daray in…

                  Read More

                    Xukuumada Somaliland Maxay ka Tidhi Dagaalka ka Dhacay Balliga Diiriye Guuleed iyo Mudane Ku eedeeyay inay Dawladu Hurinayso Colaada labada beelood

                    Burco 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Balliga Diirye Guuleed oo 18MT dhinaca Waqooyi ka xiga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, dagaalkaas oo mid ka mid ah laba Beelood ee deegaankaas ku muransani ku qaadday Ciidan ka tirsasn Ciidanka Qaranka Somaliland oo kala dhex-fadhiyey labada Beelood, kaasoo…

                    Read More

                      “Khaatumo waa la la hadlayaa, oo waa dadkeeni way cabanayaan nina xoog laguma heysan karo,” Gudoomiyaha Xisbiga Ucid

                      Hargaysa 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo loo baahan yahay in la la sameeyo wada-hadal, si cabashadooda loo dhageysto, isla markaana waxa uu tilmaamay inay Somaliland marayso meeshii ugu khatarta badnayd. Faysal Cali waraabe oo  ka hadlay Munaasibad Xisbiga UCID ku…

                      Read More

                        Wiil uu Adeer u ahaa Raysal Wasaarihii Hore Somalia oo Telefishanka CBC Ku Sheegay in lagu Dilay Ciraaq

                        Baghdad 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Warar lagu soo daabacay Baraha ay Internetka ku leeyihiin Kooxaha Jihaad doonka ee Dalka Iraq ayaa lagu sheegay in Farax Maxamed Shirdon lagu dilay Dagaal ka dhacay dalkaasi. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Canada, ayaa sheegtay in ay ka warhayso in Faarax Maxamed Shirdon, oo ah Wiil uu adeer u yahay…

                        Read More

                          Ilaahay Dartii Nagala Qeyb-qaado Arrintan Argagaxa Leh

                          Anigoo Rashiid Sulub Caalin ah, degan Hargeysa, islamarkaana 30-kii sannadood ee u dambeeyey laygu bartay inaan ka shaqeeyo hawlo samafal, dhowaana markay hawlahaasi igu bateen aan goostay inaan kuwa ugu dhib badan, ee ay soomaalidu tidhaahdo ‘looma-ooyaanka’ aan gargaar u fidiyo inta karaankayga ah, sidaas daraadeed Waxaan soo ban-dhigayaa kana codsanayaa arrin argagax igu abuurtay,…

                          Read More

                            Prof Galaydh oo Daboolka ka Qaaday War Cusub oo uu ku Sheegay inuu Is Casilay

                            Saax dheer 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Cali Khaliif Galaydh oo maalintii khamiistii ee ay nu soo dhaafnay  tuulada Saaxdheer ee gobolka Sool loogu doortay Madaxweynaha kooxda la baxday Khaatumo State,ayaa guushii doorashadiisa  maalin ka dib  ku dhawaaqay is-casilaadisa. Cali Khaliif Galaydh oo intaan khamiistii dorraad loo dooran Madawynaha kooxda Khaatumo State,ayaa wuxuu  ahaa mudane ka tirsan…

                            Read More

                              Xukuumada Somalia oo soo dhawaysay Hawlgalada Hub ka dhigista ee Muqdisho ka Socda

                              Muqdisho 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay howlgallada hub-ka-dhigista ah ee ka socda qeybo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir. War-murtiyeed laga soo saaray shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiirrada oo uu shir guddoominayay raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu soo dhoweeyay howlgallada ammaanka ee ka socda…

                              Read More

                                Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Guddoomiyihii Gobolka Shabeeladda Dhexe Xilkii Ka Qaaday Mid Cusubna U Magacaabay

                                Muqdisho:Aug,16,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa Digreeto xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jinow Calasow. Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa  ay u qornayd sidatan: “Markii uu arkay Madaxweynaha Soomaaliya Qodobada kala ah, 87-aad, 90-aad iyo 99-aad ee Dastuurka Dalka, markuu arkay Sharcigii soo baxay Agoosto 2013-dii, Markuu arkay in ay dhamaatay Mudadii…

                                Read More

                                  Guurtida Somaliland oo ka Doodaysa Xaalada dalka

                                  Hargaysa 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Golaha Guurtidda Somaliland ayaa Ka doodaya Xaaladda uu dalku Marayo Kalfadhigii 54aad ee golaha Guurtidda oo manta si Rasmi ah uga Furmay Xarunta golaha Guurtidda Somaliland ayaa Lagu sheegay in Kalfadhigani Lagu Falaqayn doono xaaladda uu dalku Galay. Kalfadhiga Maanta ee golaha Guurtidda Somaliland waxaa Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad Golaha…

                                  Read More

                                    Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta Meel Mariyay Ajandaha Kalfadhigooda 25aad

                                    Hargaysa 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Kalfadhigii 25aad ee mudanayaasha Golaha wakiiladda Somaliland oo Maanta Ka furmay xarunta Golaha wakiiladda Somaliland ee Magaaladda Hargeysa ayaa manta ansixiyay ajanadaha kalfadhiga 25 aad ee golaha wakiiladda oo ay ku jiraan xeer badan oo xaasxaasiya. Mudanayaasha Golaha Wakiiladda oo uu Shirgudoominayay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiiladda mudane Baashe…

                                    Read More

                                      Baadhitaan ku Socda Mulkiilaha Idaacada Shabeele

                                      Muqdisho 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Afhayeenka wasaaradda Amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay inay baaritaanno ku socdaan milkiilaha idaacadaha Shabeelle iyo Sky FM ee magaalada Muqdisho. Maxamed Yuusuf ayaa xusay in sidoo kale la baarayo qaar ka tirsan shaqaalaha idaacadahaas oo iyaguna lala xiray milkiilaha. Howlgal ay sameeyeen ciidanka nabad-sugidda ayaa shalay…

                                      Read More