Tahriibayaal Itoobiya lagu Wareejiyay Iyo 97 Dhallinyaro ah oo lagu Qabtay Wajaale
Wajaale 12.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xafiiska Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ee fadhigoodu yahey Magaaladda Tog-Wajaale ayaa shalay ku wareejiyay dawladda Itoobiya 42 Tahriibe oo u dhashay wadankaasi, kuwaasi oo sifo sharci darro ah u joogay degmooyinka Gobolka Gabiley. Tahriibiyeaasha oo iskugu jiray rag iyo dumarba sida uu saxaafadda u sheegay Taliyaha laanta socdaalka Gabiley Gaashaanle Cabdirashiid…
