Webmaster

    Hargaysa oo uu soo Gaadhay Mishiinkii lagu samayn lahaa Somaliland EPassport

    Hargaysa 18.July 2014 (SDN/QJ)- Qalabkii lagu samaynayey baasaaboorka cusub ee Somaliland eek u xayirnaa madaarka Itoobiya oo si qalad ah loogu soo hagaajiyey Dalkaasi ayaa soo gaadhay caasimadda hargeysa, kadib markii la dhamaystiray qaladaadkii sababay inay isku maandhaafaan shirkaddii qalabkan soo Iibisay iyo waaxda Kastamka madaarka Addis ababi. Qalabkan oo qayb ka ahaa bilaabista hawsha…

    Read More

      Dagaal u Dhexeeya Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE oo ka Dhex Curtay Mudanayaasha Golaha Wakiillada

      Hargeysa 18/7/2014 (SDN/QJ)- Dagaal siyaasadeed oo u dhexeeya Mucaaridka iyo muxaafidka Somaliland, gaar ahaan xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE, ayaa ka dhex curtay mudanayaasha labada dhinac kala taageersan ee Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland.   Ma jiraan hadalo dhalliilo ah oo hoggaanka sare ee xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI isku mariyeen warbaahinta, balse taas beddelkeeda, dagaal-siyaasadeed culus…

      Read More

        Loodhadh Lacagta Somaliland ah oo Xukuumadu soo daabacatay iyo Gudoomiyaha Baanka dhexe oo Si Cad u Sharixi kari waayay Sababta keentay in Xiligan lacagtan la soo daabaco

        Hargaysa 18.July 2014 (SDN/QJ)- Bangiga dhexe ee Somaliland ayaa la soo degay Lacago uu soo daabacday oo ka kooban Lacagta kunka shillin iyo shanta Boqol ee Xukumadda siilaanyo samaysay sanadkii hore. Lacagtan oo aan laga hayn xog rasmi ah inta ay leeg tahay ayaa la sheegay inay labadii maalmood ee u dambeeyay ka soo degaysay…

        Read More

          Bariga Dalka Ukrainian oo lagu Soo Riday Diyaarad Shicib Siday oo laga lahaa Wadanka Malaysia iyo Dhamaanba rakaabkii oo ku naf waayay

          Ukrainian 18.July 2014 (SDN/QJ)- Masuuliyiinta dalka Ukrainian ayaa sheegay in diyaarad rakaab ah lagu soo riday bariga dalka, halkaasi oo ah goob ay ka dagaallamayeen kooxaha mucaaradka ah ee taagersan Ruushka. Waxa ay sheegeen in dhammaan 295 qof oo saarnaa diyaaradda oo laga lahaa dalka Malaysia ay dhinteen. Diyaaradda oo ka soo duushay magaalada Amsterdam…

          Read More

            UDUB WAY TAGAYSATE HA TAHRIBINA MEEDAY +++XAGAY KU DANBEYASAY GUDIDII TALLO BIXINTA TAHRIBTA Ee WASIRKII DHALINTU HOR KACAAYEY

            Hargeisa 18/7/2014(SDN/QJ)Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Wakiilada Magac u yaal ka ah ee Xukuumadda Siilaanyo oo ku Fashilmay in ay u gurmadaan, Dhalinyarada Ku Xidhan Jeelasha Libaya iyo Malta.Xukuumadani  ayaa mudo  afarsano  kahora  xiligii ay ololaha ugu  jirtay jagada  madaxtimada fagarayaasha  kaga khudbadayn  jirtay  udub  way  tagaysaye  ha tahribina  balse  sanadihii  ugu danbeeyey  ayaa waxa sii…

            Read More

              Somali Prime Minister announces an initial $500,000

              Mogadishu, Thursday 17 July 2014 – The Humanitarian situation in the country has dominated the debate of today’s Council of Ministers meeting. Under the leadership of H.E. Abdiweli Sheikh Ahmed, Prime Minister of the Federal Government of Somalia, concrete and immediate measures have been established to respond to the deteriorating humanitarian situation affecting many regions…

              Read More

                Ururka Dhaliyarada Suber Aawal Ee Jidali Oo Xalay Kulan balaadhan Ku Yeeshay Magalada Hargeisa Iyagoo ku Soo Marti Qaday Masuuliyiinta Wargeysayada Hatuf Iyo Hubal

                Hargeysa 18/7/2014(SDN/QJ) Ururka Dhalinyarada ee Jiiddali ayaa Kulan Afur iyo Casho isugu lammaan Caawa U Sammeeyey Mas’uuliyiinta labada wargeys ee Xukuumadda Somaliland Albaabada U laabtay ee HUBAAL iyo HAATUF. Hargeysa(SDN/QJ)Kulankaas oo  galabta ka dhacay Hotel-ka Imperial ee Magaalada Hargeysa Waxa ka soo qayb galay Hoggaanka sare ee ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA, Guddoomiyeyaasha  Wargeysyada Haatuf/Somaliland…

                Read More

                  DANJIRE MAHIIGA OO TILMAAMAY IN LA GAADHAY XILIGII LA CIDIBTIRI LAHAA XARAKADDA ALSHABAAB

                  Hargeysa 18/7/2014(SDN/QJ)Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in Al-shabaab looga guuleysan karo oo keliya hadii caalamku uu is-barbar-taago dowladda awoodda yare e Soomaaliya. Danjire Mahiga ayaa hadalkan ka sheegay kulan labo maalmood qaatay oo looga hadlayay amniga Bariga Afrika iyo soo bandhigidda aqoonta ciidanka, isagoo sheegay in…

                  Read More

                    Halkan Ka daawo Mujaahid Hoto Bixi +Qabyaalada Qabyaaladbaa lagu Saaraa Habarjeclanimana Habarmagadanimalagu saraa….

                    Hargeisa 18/72014(SDN/QJ)Shuuciyada  Shuuciyadbaa lagu SaaraQabyaalda Qabyaalad Baalagu saara Habar Jeclinmada Habar magaada Lagu  saara Waxa Sidaa Yidhi  Mujaahid Hooto  biixi oo ka hadlaayey  Shir  ay  dhalinyarata suber  awal  ee jiidali ku yeeshen  magalada hargeisa Hargeisa SDN/QJ Maxamed Aadan Qurbe Jog Concat@Somalidiasporanews.com

                    Read More

                      Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo Sheegtay Inay Dacwadku soo oogi doonto Monitoring Group

                      Muqdisho 17.July 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aaden ayaa sheegtay in ay dacwad ku soo oogi doonto xubno ka tirsan guddiga Qarammada midoobey u qaabilsan la socodka cunaqabataynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Ereterea ee lagu magacaabo Monitoring group. Guddiga ayaa dhawaan soo saaray warbixin uu ku sheegayo in xilligii ay Fowsiyo ahayd wasiirka arrimaha dibadda…

                      Read More

                        Magacyada,Iyo Beelaha Somaliland ee ay ka Soo Jeedaan 47 Marxuun oo 17.July 1989 Lagu Xasuuqay Xeebtii Geerida ee Jasiira ee Magaalada Muqdisho

                        Hargaysa 17.July 2014 (SDN/QJ)- Xasuuqii 17 July 1989-kii xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho ee lagu gumaadey dad shicib ah oo reer Somaliland ah. Maalintii ay taariikhdu ahayd maantoo kale 17 July 1989 kii oo Shan iyo labaatan Sanno laga Joogo, ayaa waxa maammulkii keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre uu ku kacay xasuuqii ba’naa ee xeebta…

                        Read More

                          Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Deg.Togwajale oo u Diga Roganaya Dhinaca Xisbiyada Mucaardka kadib Markey ku Asqoobeen Hummaagii Kulmiye ee Dabeyl xagaaga isku bedelay

                          Hargeisa 17/7/2014(SDN/QJ) Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Gu’ xumaadey waa wada xagaa.imika waxa la mid ah Xisbigii Kulmiye oo sidii looga dhulsugaayey qaabka uu khilaafkiisa u xalisto ku soo gabagaboobey Guddoomiye Madalootiya iyo Musharax Dabeylxagaa ka soo horeyso. Hadaba markii ay u cadaatey Qaybo ka tirsan Taageerayaashii Xisbiga Kulmiye Ee Deg.Togwajaale in ka sii mid ahaanshaha…

                          Read More

                            R. Wasaare Cabdiwali: “Xukuumaddu waxay ku yaboohday 500,000 $ oo gurmad deg deg ah loogu fidiyo dadka Abaaruhu saameeyeen”

                            Muqdisho, July, 17, 2014(SDN/QJ)….Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. Waxaana goluhu ku dhawaaqay in dalka ay ka jiraan abaaro daran, iyagoo guddi wasiiro ah u saaray wax ka qabashada abaaraha. Golaha Wasiirrada ayaa markii ay…

                            Read More

                              Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Oo Ka Hadlay Ciidamada Ilaalinaya Shirkadaha Shidaalka Iyo Xidhiidhka Ka Dhaxeeya Muuse Biixi

                                Hargeysa17/7/2014(SDN/Qj) Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka hadlay sida uu arko digniinaha amni ee uu Ingiriisku kaga dardaar weriyo amniga Somaliland, isagoo sheegay inay Somaliland tahay wadan amni ah, waxaanu ku taliyay in xidhiidh toos ah lala sameeyo dawladda Ingiriiska. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr…

                              Read More

                                Somalia iyo Ethiopia Oo Maanta Kala Saxeexday Heshiis Dhinaca Waxbarashada ah

                                Adis ababa:July,17,2014(SDN/QJ)-Xukuumadaha Ethiopia iyo Somalia ayaa Maanta Heshiis Dhanka iskaashiga waxbarasahda ah ku gaadhay Magaalada Addis Ababa. Heshiiskan ayaa dhigaya in labada dal ee Somalia iyo Ethiopia iska kaashadaan waxbarashada iyo sidii ardayda Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa sidiii ay dalkaasi waxbarasho ugu heli lahaayeen. Wasiirka Waxbarashada iyo barbaarint Somalia Ciise Maxamed Guraase ayaa heshiiskan dhinaca…

                                Read More

                                  Saraakiil Sare Oo Ka Tirsan Dawladda Somaliya Oo Siyaabo Kala Duwan Maanta Loogu Khaarajiyey Gudaha Magaalada Muqdisho + Dagaallo Ka Dhacay Jubbada Hoose, Shabeellada Dhexe Iyo Shabeellada Hoose

                                    Hargeisa 17/7/2014 (SDN/QJ):- Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda dambi-baadhista Booliska ee dawladda Somaliya ayaa maanta lagu khaarajiyey xaafadda Korontada ee degmada Wada-jir ee gobolka Banaadir ee dalka Somaliya. Sarkaalkan oo lagu magacaabo Af-guduud ayaa la sheegayaa in dilkiisa ay fuliyeen rag ku hubaysan Bastoolado, kuwaasoo baxsaday markii ay ka takhalluseen sarkaalkaasi. Maydka sarkaalkan…

                                  Read More

                                    Afhayeen Dhuxul Oo Markii Ugu Horraysay Bulshada u Sheegay Waxa Lagaga Wada Hadlo Shirka Khamiislaha ah Ee Golaha Wasiirrada

                                    Hargeysa:July,17,2014(SDN/QJ)-Shirka Khamiista Kasta ay ku yeeshaan Qasriga Madaxtooyada Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa markii ugu horraysay laga soo saaray warbixin la xidhiidha wixii lagaga wada Hadlay. Shirkan oo  caanku ahaa inaan bulshada loo sheegin waxa lagaga hadlo, isla-markaana Xanta la xidhiidha Murannada ka dhaca oo kali ahi uu saxaafadda Madaxa Bannaan Gaadhi jirey, ayaa Maanta Afhayeenka…

                                    Read More