Webmaster

Xildhibaan Qabiile Oo Kominshanka Ugu Baaqay In Ay Talaabo Ka Qaadan Mas’uul Ka Tirsan Xukuumada Siilanyo,Iyo Madasha wada Tashiga oo uu ka dalbaday inay Is Cadeeyaan DAAWO

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa Komiishanka Doorashooyinka ka dalbaday inay talaabo ka qaadaan Mas’uul ka mid ah Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo kaas oo ah Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashadda.

Read More

Siyaasi Cali Guray Oo Difaacay Doodii Cirro aanu ka dhex Muuqan Ee Dhexmartay Labada Musharax Muuse Biixi Iyo Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ oo iminka ka tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa ka hadlay Sida ay ula Muuqatay Doodii dhex martay Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne ee Kulmiye Iyo Ucid taas oo uu ka maqnaa Murashaxa Xisbiga Waddani. Cali Guray ayaa qoraal uu ku faafiyey barta uu ku leeyahay Shabakada xidhiidhka…

Read More

Siyaasiyiinta Madasha wada Tashiga oo Iska Fogeeyay Qaban qaabada Doodii Murashixiinta Madaxweyne ee Xisbiyadda Qaranka DAAWO

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Prof C.salaan Yaasiin Gabay xadi oo ka mid ah Siyaasiyiinta Madasha wada tashiga ayaa iska fogeeyay inay iyagu casuumeen Murashixiinta Sadexdda Xisbi oo loo qabtay Dood habeenkii Jimcihii taas oo ay ka soo xaadireen Murashixiinta Xisbiyadda Ucid iyo Kulmiye balse aanu ka soo qayb galin Murashaxa Xisbiga waddani oo dhankiisa…

Read More

Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda oo uu faro cididood ku Guulaystay Mudane Baashe Maxamed Faarax DAAWO

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda Mudane Cali Yuusuf ayaa lagu doortay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda oo uu Dirqi iyo Tu Xun ku Guulaystay Gudoomiye ku xigeenkii 1aad ee Golahaasi Mudane Baashe Maxamed Faarax oo noqday Gudoomiyaha Cusub ee Golaha…

Read More

“Dad Baa Jira Horumarka Waddanka Doonaya Inay Is Hortaagaan Oo Ka Xun Argagixisada” Ambassador Baashe Cawil

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya waddanka Imaaraadka carabta, Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa sheegay inaanay jirin dan gaar ah oo ugu jirta heshiisyada casriyaynta marsadda Berbera iyo saldhiga Millatari ee xukuumaddu la gashay dawladda imaaraadka carabta. Safiirku waxa kaloo uu sheegay in dawladaha khaliijka ee Sucuudigu hoggaamiyaa ay Somaliland…

Read More

Waa ayo Xildhibaanka Ugu Soo Horreeya Liiska Xil-sugeyaasha Golaha Wakiillada Ee Buuxin Doona Xubinnimada Cabdiraxmaan-Cirro Banneeyo?

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Arbacadii Iska Casilay Xilkii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda oo uu Soo hayay Mudo ku siman 12 Sanno. Gudoomiye Cirro ilaa hada waxa uu iska Casilay oo Keliya Jagada Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, Balse Istiqaallada Xubinnimadii Xildhibaan ee Gobolka Laga Soo Doortay ee Saaxil Way U Hadhay,…

Read More

Ururka Alshabaab oo Soo Bandhigay Gaadhigii Ololaha Doorashada ee Madaxweynaha Kenya oo ay Gacanta ku dhigeen

Muqdisho 06. August 2017 (SDN/QJ):- Xarakada Al Shabaab ayaa soo bandhigtay Gaari loogu ololeenayay Xisbiga Madaxweynaha dalka Kenya ee Jubullee , gaarigan ayaana dhawaan laga soo afduubay duleedka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya. Gaarigan Al Shabaab soo bandhigtay ayaa ahaa mid loogu ololeenayay Doorashada Madaxwenaha Dalka Kena gaar ahaan Xisbiga talada dalka…

Read More

Komiishanka Doorashooyinka oo Magaaladda Ceerigaabo ka Furay Tababar la Siinayo Shaqaalaha Kaadh qaybinta Gobolkaasi DAAWO

Ceerigaabo 06. August 2017 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Magaaladda Ceerigaabo Tababar uga furay Shaqaalaha fulinaya Hawlgalka Qaadashada Kaadhka Codbixiyeyaasha oo si rasmi ah uga bilaabmi doonta Gobolkaasi 12-ka bishan aynu ku jirno. https://www.youtube.com/watch?v=ASYtlofepiw

Read More

Madaxweynaha Somalia Farmaajo oo Faro Madhan ka Taagan Dhaqaalihii uu ka Filayay Waddamada Reer Galbeedka & Safaradii Dalalka Jaarka oo uu Joojiyey!!

Muqdisho 06. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa faro madhan ka taagan taageero uu ka filayay wadamada reer galbeedka, taas oo u badnayd inay dawladiisa ku garab istaagaan taageero dhaqaale. Mr. Farmaajo, ayaa dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ka filayay inay fuliyaan taageero dhaqaale oo ay balan qaadeen shirkii London ee Bishii May…

Read More

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Somalia oo Hor tagay Baarlamaanka Somalia kana Raali geliyay Hadal ay ka Cadhoodeen DAAWO

Muqdisho 06. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C.raxmaan Xoosh Jibriil ayaa hortagay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna Wasiirka raali galin ka siiyay Xildhibaanada hadaladii uu ku qoray Barta uu Twitterka ku leeyahay. C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hortagay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadal uu u jeediyay kaga dalbaday in ay raali ka noqdaan ayna…

Read More

Dhacdo Soo Jiidatay Dunnida Waa Golaha Cusub ee Wasiirada Pakistan oo lagu daray Masiixiyiin iyo Hinduus!!

Karachi 06. August 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada cusub ee dalka Bakistaan oo ka kooban 46 wasiir ayaa la dhaariyey, ka dib markii dhowaan ay baarlamaanku doorteen Raysalwasaare ku meelgaadh ah oo bedelay Raysalwasaarihii is casilay Nawaz Sharif. Xukuumadan cusub waxaa ku jira labo wasiir oo midna yahay bulshada Kiristaanka ee dalkaasi ka kalena ka soo jeedo…

Read More

Masar: Cadho Hinaase keenay oo ka Dhalatay Olole Dumar ka Dhalatay & Nooca Halku Dheg ee ay adeegsanayaan Saygayga ayaa adiga saygaaga ah’!!

Qaahira 06. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaa weli degi la’ cadho hinaase keenay oo ka dhalatay ol’ole ay dhowaan dalka Masar ka bilaabeen dumar dalkaas u dhashay oo fasaxaya in raggu ay dumar badan guursadaan. Ol’olahan oo ay dumarka wadaa ku tilmaameen in ay kula dagaalamayaan guur la’aanta dumarka dalkaas ku soo badanaysa, ayaa ka duulaya…

Read More

Madaxweyne Xasan Rooxaani oo Mar Kale loo Dhaariyey Hogaaminta Waddanka Iran

Tehran 06. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dhowaan dib loo doortay ee Jamhuuriyada Iran ayaa lagu dhaariyey Golaha Baarlamaanka hortiisa si uu u bilaabo marxaladiisa labaad ee Madaxweynanimada. Munaasabada dhaarta ee Madaxweynaha Iran waxa soo xaadiray mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dalalka ay saaxiibka yihiin wadankaasi. Madaxweyne Rooxaani ayaa aqlabiyad balaadhan ku guulaystay Doorashadii madaxweynanimo ee…

Read More

Gabadh U Dhalatay Sucuudiga Oo Xanaanayta Xayawaanka U Kiraysay Guri Aanay La Ogeyn Qoyskeedu !

Riyadh 06. August 2017 (SDN/QJ):- Xannaanayta iyo daryeelka xayawaanada dayacan ayaa ah mid Ilaahay agtiisa ajar iyo xasanaat lagaga helo, gabadh dhallinyar ah oo u dhalatay Dalka Sucuudiga ayaa waxay qaaday tallaabo aad heer saraysa oo ah inay Bisadaha dayacan ee ku nool magaalada Riyad u kiraysay guri uu qiimihiisu yahay 500 oo Dollar. Jarriidada Loss…

Read More

Guddida Doorashada ee Ruwanda oo Shaaciyey in Madaxweyne Bool Kagama uu ku Guulaystay Doorashadii Madaxtinimo

Rwanda 06. August 2017 (SDN/QJ):- Gudida doorashooyinka ee dalka Ruwaanda ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in madaxweyne Bool Kagama uu mar kale ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee ka qabsoontay codbixinteedu guud ahaan dalkaasi, isagoo helay boqolkiiba sideed iyo sagaashan codadkii la dhiibtay. Mr: Bool Kagama oo dalkaasi hogaaminayey todoba iyo tobankii sano ee u…

Read More

Ciidanka Qaranka ee Yemen oo La Wareegay Magaalooyinka Muhiimka ah ee Gobolka Shabwa

Shabwa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka soo baxaya dalka Yaman ayaa sheegaya in ciidamada qaranka dalkaasi ay la wareegeen magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka Shabwa, iyagoo taageero ka helaya Askar maraykanka iyo ciidamada ka socda dalka Imaaraadka Carabta. Hase yeeshee wararku waxa ay intaasi ku darayaan in maleeshiyada Al-qaacida ee gobolkaasi ku sugnaa ay…

Read More