Maxamed Saleebaan Tubeec: Erey sagootis ah, Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
Laba cod oo uu aad ugu dheeraaday ayaan jecelahay in aynu halkan ku wadaagno, kuwaas oo kala ah codadka Raaxeeye iyo Murug oo midba saddex nooc ka qaadayo ama ku luuqaynayaba. “Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay, Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye, Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaaye, Guushii ifkiyo aakhiroba,…
