Reer Mudisho OO Xalay Hurdada Loo Diiday iyo Inka Badan 20-Madfac Oo Xaafadaha Lagu Weeray
Muqdisho:13-Feb-2014(SDN)-Ugu Yaraan 20-Hoobiye ayaa Habeenkii Xalay si Is Daba Joog ah Loola Eegtay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho. Madaafiicdan ayaa si gaar ah ugu Hoobanayey Xaafado Ka Mid ah Magaalada oo ay ka mid yihiin waaberi, wardhiigley, Hodan, Xamarweyne iyo Yaaqshiid, waxanna ay dhammaantood dhacayeen wixii ka Dambeeyey Sagaalkii Habeenimo. Saraakiisha Dawladda ayaa sheegaya…
