Webmaster

    Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Qaabilay Dhakhaatiir Ka Socotay Jaamacada Harvard University Ka DAAWO QURBEJOOG.COM

    Hargaysa 25.Jan 2014 (SDN)- Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Mudane  C.raxmaan  C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti dhakhaatiir ah oo ka Socday Jaamacada Harvard University ee dalka Maraykanka oo Hawlo Shaqo u Jooga dalka. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay inuu…

    Read More

      “Waxaa meesha ku jirta in Dawladda Turkigu, hadii la ismari-waayo ay Warbixin ka siiso IGAD IYO AU-da” Gudoomiye Xigeenka Guurtida {DHAGAYSO}

      Hargaysa 25.Jan 2014 (SDN)- Gudoomiye xigeenka Guurtida Mudane Siciid Jaamac Cali ayaa Maanta Golaha Guurtida Warbixin Buuq iyo Sawaxan Abuurtay ka Siiyay Maxsuulka Wada Hadaladii Somaliland iyo Somalia ku dhex Maray Magaalada Istanbul ee Turkiga Gudoomiye ku Xigeenka  oo ka jawaabayay Dhaliilaha Mucaaradku u jeediyeen Qodobada ka soo baxay Shirkii Turkigu waxa uu tilmaamay inay…

      Read More

        Ciidamo ka Tirsan Maamul Goboleedka Punt land oo Saaka Ku Waaberiistay Buuralayda Galgala

        Garowe 25.Jan 2014 (SDN)- Ciidanka Puntland ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahayd deegaanka Buurallayda Galgala oo 30 km dhinaca koonfur galbeed uga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland ee aagga Galgala Jaamac Siciid Warsame oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in weerarkii saaka ay ku…

        Read More

          ” Qodobadan ka soo baxay Shirka Stanbul waxaanu u aragnaa kuwo u gogol xaadhaya Qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland.” Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Guurtida

          Hargaysa 25.Jan 2014 (SDN)- Gudoomiye xigeenka Golaha Guurtida Somaliland ahna ku simaha Gudoomiyaha Golahaasi Siciid Jaamac Cali oo ka mid ahaa Guddida Somaliland uga qayb gashay wada hadaladii Turkiga ku dhex maray Somaliland iyo Somalia ayaa maanta warbixin ka siiyay Qodobadii Kulankaasi ka soo baxay Mudanayaasha Guurtida. Gudoomiye xigeenka Guurtida ayaa Sheegay in qodobada ka…

          Read More

            “Waxay ahaydin in la yidhaahdo xasuuq [Genocide] ayaa la nagu sameeyay ee aan isku soo noqono hadaydaan diyaar u ahayn inaad qirtaan kelmadaas” Ambassador Cawil Cali Ducaale

            Nairobi 25.Jan 2014 (SDN)- Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ahaa wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin, ayaa si adag uga hadlay qodobka 9aad ee heshiskii ay Somaliland iyo Somaliya ku kala saxeexdeen wadanka Turkiga, kaas oo ka hadlayay xasuuqii ay dawladii Maxamed Siyaad Barre u gaysatay shacabka Somaliland. Qodobkaas oo ereyga loo adeegsaday…

            Read More

              Ethiopia waxay leedahay record xun ku aadan xuquuqda bini Adamka- Waa maxay sababta wali reer galbeedku ay indhaha isaga tirayaan?

              Ethiopia waxay leedahay record xun ku aadan xuquuqda bini Adamka- Waa maxay sababta wali reer galbeedku ay indhaha isaga tirayaan? Qaar waa la waayay, qaar kale na waxaa lagu xukumay xabsi muda dheer ah.Hal shay oo ay kawada sinaayeen dhamaan ragii 30 ka ahaa oo la xiray 2012 Ethiopia gudaheed wuxuu ahaa inay dhaleeceeyeen dawlada…

              Read More

                Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo loo qaybiyay Xeerka Baananka iyo Hay’adaha Maaliyada

                Hargaysa 25.Jan 2014 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha wakiilada JSL oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa mudanayaasha waxaa lo qaybiyey xeerka ka ganacsiga Baananka iyo hay’adaha Maaliyadeed ee Somaliland.   Xildhibaan Axmed Cumar sanweyne Gudoomiyaha Guddi hoosaadka ee Golaha wakiilada Somaliland ayaa mudanayaasha warbixin ka siiyey xeerka ka ganacsiga…

                Read More

                  Masar Oo Maanta Laga Xusayo Sannad-guuradii 3-aad ee Kasoo Wareegtay Markii Xilka Laga Tuuray Xusni Mubaarik Iyo Cabsi Laga Qabo Isku Dhacyo Hor Leh

                  Qahira:25-Jan-2014(SDN)-Waxa Maanta Dalka Masar Looga Diyaar garoobayaa Xuska Sanad-guuradii Saddexaad ee Ka Soo Wareegta Markii Xilka Laga Tuuray Maamulkii Militariga ahaa ee Xusni Mubaarik Hoggaaminayey ee Dalka Haystay muddo soddon sano ah. Dalkaas Haatan waxa ka Taagan qalalaase iyo Dhibaato Bilaabantay markii ay ciidanka Militariga Talada Ka Tuureen Madaweynihii Sida Sharciga ah loo soo Doortay…

                  Read More

                    Cali Dheere Oo Ammaanay Wasiirradii Dawladdii Cabdilaahi Yuusuf, Kuwan Haatanna Ku Tilmaamay Alkoolistayaal Cadawgooda Wata

                    Barawe:25-Jan-2014(SDN)-Afhayeenka Ururka Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in aanay waxba soo kordhin doonin ku biiritaanka Ciidanka Ethiopia ee kuwa Amismo. Cali Dheere ayaa waxaa uu sidoo kale is barbar dhig ku sameeyey Dawladihii kala Duwanaa ee Soo maray somalia intii ururkoodu jirey, waxana  uu tilmaamay in wasiirradii xubnaha ka ahaa dawladdii uu madaxda ka…

                    Read More

                      Lafo gurka Qorshayaasha Dahsoon Ee Ciidanka Ethiopia Ka leeyihiin Ku Biiritaanka AMISOM

                      Mugdisho:25-Jan-2014(SDN)-Wali waxa ay Hadal hayntoodu Meel sare maraysaa Ciidamada Ethiopia ee dhawaan ka mid noqday kuwa AMISOM. Ciidamadan ayaa  ku Biiritaankooda laga Bixiyey Fasiraado kala Duwan, iyadoo inta badan dadka Siyaasadda u dhuun daloolaa ku sheegeen inay ka dambeeyeen u jeedooyin kala dambeeya oo dahsoon. Guuxa Shacabka Soomaaliyeed ayaa meel walba ka soo yeedhay iyadoo…

                      Read More

                        Fashil Horleh Oo Ku Yimi Barnaamij Waxbarasho Oo Dawladda Xasan Sheekh Hore Ugu Dhawaaqday

                        Muqdisho:25-Jan-2014(SDN)-Waxa Jira Astaamo Muujinaya inuu Fashilmay Mid ka mid ah Barnaamijyadii ugu qaalisanaa ee ay xukuumadda Xasan sheekh Maxamuud Maqashiisay Dhegaha Dadweynaha muddadii ay jirtay. Barnaamijkii “Aada Dugsiyada” ee ay hormoodka ka ahayd Wasaaradda Waxbarashada Somalia, ayaa Haatan la Waayey, waxana la is weydiinayaa meesha uu Barnaamijkaasi maray. Barnaamijkan ayey Xukuumadda Federalka Somalia ku Ballan…

                        Read More

                          “ Haddii Xilka Lagaa Qaado Ma aha Inaad Meel Fadhiisato Oo Aad Xukuumadda Wax Ka Sheegto’e Waa Inaad Nolosha Qaabishaa” Cali Cilmi Geelle

                          Hargeysa:25-jan-2014(SDN)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta somaliland Cali Cilmi Geelle, ayaa sheegay inuu dib ugu noqonayo Xirfaddiisii macallinimo oo uu ka maqnaa intii uu xilka wasiirnimo hayey. Wasiir Cali Cilmi oo u warramayey idaacadda BBC-da ayaa sheegay inuu  diyaar u yahay inuu ku noqdo shaqadaas  uu takhasuska u leeyahay, islamarkaana aanu aaminsanayn in marka…

                          Read More

                            Britain oo ka digtay amaanka Kenya

                            Nairobi Jan 25,2014(SDN)-Safaarada Britain ee dalka Kenya ayaa war ay soo saartay uga digtay muwaadiniinteeda dalkaa booqanaya heerka amniga ee dalkaasi. Digniintan ayaa Safaarudu sheegtay in ay la xiriirtodil guddaha Soomaaliya ay ciidamada Kenya uGu geysteen qaar ka mida madaxda Shabaabka. Qoraalka Safaarada Britain ee Nairobi waxa lagu xusay falal ka dhan ah amniga oo…

                            Read More

                              Jaamacada Magaalada Burco oo ku Hawlan Sidii ay Digada Xoolaha uga Dhigi lahayd Saliida Cuntada ee la Isticimaalo {DHAGAYSO}

                              Burco 25.Jan 2014 (SDN)- Jaamacada Magaalada Burco ayaa Daraasad Cilmiyeed oo ay Samaysay Waxay Tijaabo Gelisay inay Digada Xoolaha ka Dhigto Saliid la Isticimaalo . Gudoomiyaha Jaamacada Magaalada  Burco Prof Saleebaan Dirir ayaa ka Warbixiyay Talaabooyinkaas ay Qaadeen,Siday Hawshan ku Bilaabeen iyo Marxalada ay Marayso. Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Warbixintan oo Xiiso badan…

                              Read More

                                Mareykanka oo ilgaara ku eegaya Soomaalida Minneapolis

                                Minneapolis Jan 25,2014(SDN)-Ciidamada amaanka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay ilgaara ku eegaya dhaqdhaqaaqa Soomaalida dalkeeda ku nool khaasatan Minneapolis oo hore Soomaali uga tagtay ay u Jihaad tegeen Soomaaliya. Rep. Mike McCaul,oo ah madaxa guddida amniga Qaranka ee Baarlamaaka Mareykanka ayaa sheegay in Al Qaacida aaney baxsad aheyn ayna ku kobceen Bariga dhexe…

                                Read More

                                  Jarmalka oo Xabsiga Dhigay nin Shabaabka ku biiray

                                  Berlin Jan 25,2014(SDN)-Maxkamad ku taal dalka Jarmalka ayaa xabsiga dhigtay nin dalkaa u dhashay oo ku biiray kooxaha xagjiriinta ah ee dalalka Soomaaliya iyo Pakistan. Ninkan oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Turkiga oo la yiraahdo Emrah Erdogan isla markaana ah 25 jir ayaa Policeka dalkaasi telephone uGu sheegay in Al Qaacida ay dhiig…

                                  Read More

                                    DAAWO:Khudbadii Madaxweynaha cusub ee maamul Gobleedka Puntland oo ka jeediyay xafladii caleema saarka

                                    Garoowe Jan25,2014(SDN)-Madaxweynaha cusub ee maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasibadii la wareega xilka madaxweynenimo waxa uu uga hadlay arimo dhar ah oo ku saabsan waxqabadka uu damacsan yahay iyo xaalada guud ee degaankaasi. HALKAN HOOSE KA DAAWO KHUDBADA MADAXWEYNAHA PUNTLAND EE CALAAMASAARKIISII GAROOWE.  

                                    Read More

                                      Amuur Iga Yaabisay!

                                      Arrimahakaa yaabinayaa way badan yihiin waa marka aad ka fikirayso xilligaaad nooshahay, dadka aad la nooshahay iyo deegaanka aad ku nooshay. Waxaad-se sii yaabaysaa marka aad aragto qaladaad la samaynayo ootaabanaya waxa aad aqoon u leeyahay. Dhakhaatiirtu haddii ay arkaanamma maqlaan qof aan dhakhtar ahayn oo dadka dhakhtarinaya waxay kunoqonaysaa la yaab. Waayo, waxay garanayaan…

                                      Read More