“dawladda somaliland waxa ay ku dhisan tahay in ay iyadu shacbigeeda ka baqato, Ma aha xukuumaddani tii ay argagixiso, Baqe iyo Car ila Hadal ku wadi lahayd……” Marxuum Cigaal
Hargeysa:21-Sep-2013(SDN)-Taariikhda Sideedaba waxa loo sameeyey inay ku xasuusiso waxyaabo hore oo la soo maray, islamarkaana lagaga Gudbo Hagardaamooyinka iyo Turraaturrooyinka Nolosha ku dhereran. Haddaba taariikhdu maanta waxa ay ina xasuusinaysaa erayo dhaxal-gal ah oo uu ka tegay Madaxweynihii Hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa nin ilaahay Haybad u siiyey Helitaanka hadalka,…
