Hargaysa 20.Sep 2013 (SDN)- Weftigii Xukuumada Somaliland ee Mudooyinkii u danbeeyay Socdaalka Shaqo ku Joogay Magaalada Addis ababa ayaa Heshiis is afgarad la gaadhay Dawlada Ethiopia kaas oo Nuxurkiisu yahay Xoojinta Iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo dib u soo Celinta Duulimaadyadii Shirkada Ethiopia Airways oo aan la sheegin Sababta ku Kaliftay inay Joojiso duulimadyadii ay ku iman jirtay Somaliland iyo Xiliga la isla qaatay inay bilowdo.
Sidaas waxaa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul kaas oo u dhignaa Sidan :-
“Wefti culus oo ka socda Jamhuuriyada Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibeda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis. oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha gudaha, Cali Maxamed Warancade. Wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi, wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobiya, Aadan Nuux Dhuule iyo safiirku xigeenka safaarada Addis ababa ,Ayaanle Salaad Diiriye . ayaa kulan balaadan xafiiskiisa kula la yeeshay Raysal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimahaa dibeda itoobiya , Dr Tedros Adhanom.
Kulankaasi oo qaatay waqti aad u dheer, waxay labada dawladood masuuliiintii metelaysay si mug leh uga wada hadleen xidhiidhka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal Itoobiya iyo Somaliland.
Masuuliyinta labada dal, waxay isla garwaaqsadeen baahiyaha labada bulsho ee walaalahi u qabaan in ay iska kaashadaan Arrimaha nabad gelyada, dhaqaalaha, horumarinta waxbarashada iwm.
falanqayn dheer iyo qiimayn sugan ka dib, waxay masuuliyiinta labada wadan si mugleh isula qaateen .
In la xoojiyo xidhiidhka siyaasadeed ee labada wadan, in la dhiirigeliyo ganacsiga iyo maalgashiga
in dib loo hawlgeliyo lana soo celiyio duullimaadyadii shirkada Ethiopian Airline iman jirtay Somaliland Hargeysa.”

Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
