Webmaster

    Shirka Daallo uga socda Beesha Habar Yonis oo galay xaalad Gunaanada iyo gogosha oo la balaadhinayo

    Daallo July 14,2012(SDN)-Shirweynaha beelaha Habar Yonis uga socda buurta Daallo ayaa maalmihii u danbeeyay galaly xaalad kadimada la isu xidhay Telephonada la isu bakhtiisay si loo gudo galo xal u helida qodobada shirka qabashadiisa sababay. Qurbejooga iyo saxaafada guddahaba waxa ay maalmihii u danbeeyay ku hawlanaa in ay xog ka helaan shirka iyo marxaladan cusub…

    Read More

      Gollaha Murtimaal oo Canbaareeyay Xadhiga Abwaan Heybe Faarax

      Hargeysa July 13,2012(SDN)-War saxaafada loogu talo galay oo uu na soo gaadhsiiyay golaha Murti maal ayaa lagu canbaareeyay xadhigaay xukuumada Somaliland u  geystay Abwaan Haybe Faarax, qoraalaaksina waxa uu u dhignaa sidan; Golaha dhaqanka iyo dhalinyarada Somaliland Murtimaal waxuu si weyn u cambaareynayaa Xukunka xaq darada ah ee lagu riday Abwaan Haybe Faarax,Kaasoo xukunkaasi ku…

      Read More

        Cabdishukri Xaaji Cali Xirsi oo shaaca ka qaaday in uu u taagan yahay xilka Madaxweynenimo ee Galmudug

        Niarobi July 13,2012(SDN)-Siyaasiga reer Galmudug ee Cabdishugri Xaaji Cali Xirsi ayaa maanta soo saaray war saxaafada uu ugu talo galay oo uu uga hadlayo Musharaxnimadiisa xilka madaxweynenimada Galmudug iyo xaalada guud ee maamul goboleedkaas. War murtiyeedka ayaa sidan u qoraa kiyoo dhamestiran; KU: DHAMAAN MASUULIYIINTA IYO BULSHADA GALMUDUG Assalaam Caleykum Wa Raxmatullah Wa Barakaatuhu UJEEDO:…

        Read More

          Hargeysa: Munaasibad Qaadhaan loogu ururinayo dib-u-dhiska Biriijka degmada Maxamed Mooge oo maanta lagu qabtay xarunta degmadaas

          Hargeysa 13, July 2012 (SDN)- Guddiga degmada Maxamed Mooge iyo dadwaynaha xaafadaas, ayaa maanta ku qabtay xarunta degmada Maxamed Mooge xaflad qaadhaan loogu ururinayay dib-u-dhiska biriijka mara degmadaas. Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga dib u dhiska biriijka maxamed mooge iyo gudiga degmada ee xaafadaasi waxa kazoo qayb galay dadwayne aaad u tiro badan…

          Read More

            Madaxweyne Siilaanyo oo Salaadii Jimce dadweynaha la tukaday (Daawo Sawirada)

            Hargeysa 13, July 2012 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta kula tukaday qaar ka mid ah Shacbiga ku nool caasimada hargaysa salaadii jimce Masjidka 26 Juun. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxaa wehelinayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi , Wasiiradda Madaxtooyadda iyo xubno kale ayaa ka hor salaadda Jimcaha waxa ay…

            Read More

              EEBBE KELIGIIS AYAA XALKA ISKA LEH

              Weligeedba ummadihii hore iyo kuwa hadda jiraba dhibaato aafaysaa kama dhammaato, xalkeedana dadku awood uma laha uu ku xalliyo dhibaatooyinka. Dhibaatada maxaa keenay oo sabab u ah? Wuxuu Alle dhahay وَمَا أَصَابَكُمْ يَوْمَ الْتَقَى الْجَمْعَانِ فَبِإِذْنِ اللَّهِ وَلِيَعْلَمَ الْمُؤْمِنِينَ(آل عمران 166) , haddii aan soo koobo macnaha aayaddo waa sidatan:  Wixii maalinkii ciidamadu foodda is…

              Read More

                Qaramada Midoobey oo sheegay in cudurka Daacuunku uu ka dilaacay degaano Shabaabku ka arimiyaan

                Kismaayo July 13,2012(SDN)-Cudurka Daacuunka (Cholera) ayaa fara baas ku haya labada magaalo ee ku hadhay gacanta shabaabka ,sada ay xaqiijisay Ha’yada Qaramada Midoobey Caafimaadka u qaabilsan ee (WHO). Ha’yada WHO ayaa sheegtay in “xaalada khaasatan magaalada Kismaayo ay ka walaacsan yihiin”iyada oo cudurku ay dhici karto in uu laayo dad badan dhawaan. “Bar caafimaad oo…

                Read More

                  Shir Sannadeedka 2aad ee Qurba-joogga Somaliland oo Hargeysa lagu qabanayo

                  Hargeysa July 13,2012(SDN)-Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL wuxu ogaysiinayaa dhammaan Jaalliyadaha reer Somaliland intooda dalka ku sugan ama ku soo socda wakhtigan  xagaaga ah ama ka soo qaybgeli kara in la qaban doono shir sannadeedkii 2aad ee Qurba-joogga Somaliland dalka gudihiisa ku yeeshaan oo ku beegan maalmaha Salaasada iyo Arbacada ee 17-18 bisha July, 2012, waxana…

                  Read More

                    Guddoomiye Faysal Cali Waraabe:Waxba kama jiraan in aan xukuumada ku biirayo

                    Hargeysa July 13,2012(SDN)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal heyn suuqa ku jirta oo tibaaxeysa in dhawaan loo magacaabi doono wasiir. Guddoomiyaha oo u waramay somalidiasporanews.com ayaa sheegay in hadalkaasi uu yahay dacaayad ay fidiyeen ashqaas xisbiga laga saaray oo xaasidnimo hadlaya. Guddoomiyuhu waxa uu…

                    Read More

                      Eng Maxbuub Macalim oo afar sano oo danbe loo doortay in uu Afar sano oo danbe in uu hogaamiyo IGAD

                      Adis Ababa Jul 13,2012(SDN)-Eng Maxbuub Macalin ayaa mar laabaad loo doortay in uu noqdo xogahayaha guud ee urur goboleedka IGAD afarta sano ee soo socota ka dib kulan ay isugu yimaadeen madaxada ururkaasi. Kulankaas oo uu shir guddoomiyay Hailemariam Desalegn oo ah ku xigeenka raiisul wasaaraha isla markaana ah wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya. Kulankan…

                      Read More

                        Ogeysiis:Ururka Xaqsoor oo Kulan ku qabanaya Ottawa

                        Salaam Caleykoum. Waxaa dadweynaha degan Ottawa iyo nawaaxigeeda la ogaysiinayaa in urur siyaasadeedka XAQSOOR uu xaflad balaadhan ka dhigi doono Ottawa, Sabtida July 14 marka saacadu ay tahay 6 pm. Xafladaaso oo lagu qabanayo 101 Centerpointe Drive, Ottawa, ON. iir Fagaaraha xafladda waxaa laga hadli doona tariikh nololeedka iyo taariikh siyaasadeedka Xasan Ciise Jaamac iyo…

                        Read More

                          Maxaad ka Taqaan Haweeneyda reer Canada ee Sirdoonka reer Galbeedku u yaqaanaan”Mama Shabaab”

                          Torornto July 13,2012(SDN)-Sirdoonka reer Galbeedka ayaa xogo ay bixiyeen waxa lagu xusay in Haweeney reer Toronto,Canada aheyd oo intii danbana ku nooleyd Soomaaliya ay tahay ruuxa marti gelya dagaal yahanada shisheeye ee Soomaaliya u jihaadka doonta. Sidaana waxa lagu baahiyay jariirada Toronto Star ee ka soo baxda Canada oo xogta ka heshay saraakiil reer Galbeeda….

                          Read More

                            Dhalinta iyo Waxgaradka Beelaha (Dir iyo Hawiye)ee Irir Samaale oo Taageeray Jawaabtii Suldaankoodu siiyay Hadalo Kicin ahaa oo ka soo yeedhay Madax dhaqameedka Beesha Daarood

                            marka hore Waad salaaman tahay Suldaan c/kariin faarax ibraahin marka labaad waxaanu kugu hambalyeynaynaa maqaalkii aad kaga jawaabtay qodobadii Ka soo baxay shirkii isimadii Ka hadlay magaalada muqdisho kaas soo Uu nuxurkoodu ahaa hurin colaadeed oo ay Ka dhex abuuraan dadka walaalaha ah Ee degas deegaanka s/land Ee ku caan baxay nabada Iyo nidaamka dawladnimo…

                            Read More

                              Garabka UDUB ka goostay ee Jamaal Cali Xuseen iyo Xisbiga uu ku biiray ee UCID oo heshiis 4 qodob ka kooban wada saxeexday

                              Hargeysa 12, July 2012 (SDN)- Garab uu hoggaaminayo Jamaal Cali Xuseen oo ka baxay xisbiga UDUB iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta magaalada Hargeysa ku kala saxeexday heshiis iskaashi. Heshiiskan oo afar qodob ka kooban, waxay Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen ku saxeexeen munaasibad lagu soo dhawaynayay ku biiritaanka…

                              Read More

                                Xisbiga UCID oo Jamaal Cali Xuseen xilka Musharanimada Madaxweynenimo u caleemo saaray

                                Hargeysa July 12,2012(SDN)-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta munasibad balaadhan oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ku caleemo saaray musharax cusub oo ku tartami doona xilka madaxweynenimo ee doorashooyinka dalka. Md Jamaal Cali Xuseen oo ah aqoonyahan reer Somaliland oo mudo iminka ka dhexmuuqday saaxada siyaasada ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka…

                                Read More

                                  Gollaha Wasiirada DFKMG ah ee Soomaaliya oo yeeshay Kulankoodii Todobaad laha ahaa yeeshay

                                  Muqdisho, 12 July 2012-(SDN) Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, arrimaha amniga, Dhameystirka soo xulida Ergada iyo qabsoomida shirkii lagu ansixin lahaa Dastuurka. Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey…

                                  Read More