Daallo July 14,2012(SDN)-Shirweynaha beelaha Habar Yonis uga socda buurta Daallo ayaa maalmihii u danbeeyay galaly xaalad kadimada la isu xidhay Telephonada la isu bakhtiisay si loo gudo galo xal u helida qodobada shirka qabashadiisa sababay.
Qurbejooga iyo saxaafada guddahaba waxa ay maalmihii u danbeeyay ku hawlanaa in ay xog ka helaan shirka iyo marxaladan cusub ee uu galay.
Sida Ilo wareedyo loo qaateen ahi ay noo sheegeen Shirka ayaa la damacsan yahay in la soo gunaanado todobaadka soo socda.
Kadibna Shir Gudoonka Daallo ayaa ilaa haatan qorsheeyay in ay madasha soo gaadhaan ergooyin ka socda beesha Ciidegale,deetana waxa wadahadal dhexmaridoona labada beelood ee Garxajis.
Sidoo kale waxa ilaa io haatan la hubaa in beelaha SubeerAwal,Faqashini iyo Dhulbahante iyana ay madasha Daallo gaadhi doona.
Intaa ka dibna waxa la filaa waa in Shir Guddoonka shirweynaha Habar Yonis ay saxaafada u soo bandhigaan qodobada shirka la iskula qaatay.
Beesha Habar Yonis ee Garxajis ayaan mudo aad u dheer isugu iman shir guud oo noocan oo kale ah abaabulkiisana waxa qeyb weyn ka qaatay Qurbejooga beesha iyo madaxdhaqameedkooda oo is tusay baahida loo qabay in beeshi talo guud isugu timaado.
SDN-Daallo
contact@somalidiasporanews.com
