Webmaster

Madaxweynaha Faransiiska oo Shaaciyey Sirta Ku Jirta Gacan Qaadkii Qalafsanaa ee Isaga Iyo Madaxweyne Donald Trump

Paris 06. June 2017 (SDN/QJ):- ‘Gacan bir ah’ waxa ay ahayd ereyga ugu sahlan ee ay warbaahintu u adeegsatay tilmaamidda salaantii maalmo ka hor ay isku gacan qaadeen madaxweyneyaasha Maraykanka iyo Faransiiska oo ku kulmay xarunta danjiraha Maraykanka ee magaalada Brussels dalka Beljam. Muuqaallada kala duwan ee ay warbaahintu ka soo tebisay labada hoggaamiye oo…

Read More

Wasaaradda Difaaca Maraykanka oo Cadaysay in aanay Waxba Iska Bedelin La Macaamilkoodii Dalka Qadar oo ay Saldhigyo Ku Leeyihiin

Washington 06. June 2017 (SDN/QJ):- Sida ay baahisay wakaalada wararka Reuters  afhayeen u hadlay wasaaradda Difaac Maraykanka ayaa sheegay in hawlahoodii iyo duulimaadyadii ka socday saldhiga Al-Udeid ay sidoodii ahaan doonaan. Hadalkan ayaa ka dambeeyey markii ay Sucuudiga, Masar, Baxrayn iyo Imaaraadku ay xidhiidhkii dublamaasiyadeed u jareen dalka Qadar.   War qoraal ah oo ka…

Read More

Dalalka ugu Tunka Weyn Jaamacada Carabta oo Xidhiidhkii u Jaray Dalka Qadar

Riyadh 06. June 2017 (SDN/QJ):- Sacuudi Arabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xidhiidhkii dublamaasi u jaray dawladda Qadar iyaga oo ku eedeeyay inay daganaansho la’aan ka wado gobolka. Wakaaladda wararka ee Sacuudi Arabiya ayaa sheegtay in ay dawladda Sacuudigu ay ka xidhatay xadkeeda ay la leedahay dawladda Qadar arrintaasi saamaynayso dhammaan isu socodkii…

Read More

Maxaa Keenay In Dalal Ka Tirsan Jaamacada Carabtu ay U Jareen Xidhiidhkii ay La Lahaayeen Waddanka Qadar?

Hargaysa 06. June 2017 (SDN/QJ):- Arrinta xiisaha lihi ma aha in ay Sacuudiga, Masar, Midowga Imaaradaha Carbeed iyo maqaarsaarka Yamaneed xidhiidhka ka goosteen Qadar. Waayo diblomaasiyadda Carbeed sideedaba ma deggana oo waa shuqul ciyaal, ciyaar kubadda cagta ah ayayna ku colloobi karaan. Arrinta xiisaha, yaabka iyo iswayddiinta mudani waa dalkaa yar ee Qadar waxa uu…

Read More

Booliska Ingiriiska Ayaa Shaaciyey Magacyada Laba Nin Oo Ka Dambeeyey Weeraradii London

London 06. June 2017 (SDN/QJ):- Laba ka mid ah ragii fuliyey weeraradii ka dhacay London sabtidii ayey soo bandhigeen Boolisku, waxaanay ku kala sheegeen Khuram Shazad oo da’diisa lagu sheegay 27 jir iyo Rachid Redouane oo da’diisa lagu sheegay 30 jir. Khuram ayaa ku dhashay Baagistaan, balse haystay dhalashada dalka Ingiriiska, halka Rachid ay sheegeen…

Read More

Haweenay Shaqada Looga Joojiyey Inay Amaantay Dalkii Gumaystay Koonfur Afrika

Western Cape 06. June 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka Koonfur Afrika, Democratic Alliance, ayaa shaqada ka joojiyay hoggaamiyihiisii hore, Helen Zille, kaddib markii ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay in gumaystihii Ingiriiska aanu u xumayn sida loo tilmaamo. Hoggaamiyaha hadda ee xisbigaasi Mmusi Maimane, ayaa sheegay in haweeneydaasi ay sii ahaan doonto madaxa dowladda…

Read More

Waa Maxay Dalabka cusub ee ay Real Madrid u Soo Bandhigtay Zinedine Zidane?

Hargaysa 06. June 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Naadiga Real Madrid ee Dalka Spain Florentino Perez ayaa u soo bandhigay Tababaraha kooxda real-Madrid Zinedine Zidane inuu naadiga la joogo inta noloshiisa ka hadhay. Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa noqday tababarihii ugu horeeyey ee labo sano oo isku xiga kooxda u soo hooya koobka kubadda cagta ee kooxaha…

Read More

Waxay 11 Milion oo Riyaal Ku Maalgelisay Inan ay Guur ka doonayso!!!

Hargaysa 06. June 2017 (SDN/QJ):- Booliska Dalka imaaraatka ayaa su’aalo weydiinaya inan u dhalatay Gobolka Khaliijka carabta oo lacag ka badan 11 Milion oo Riyaal ku kharash garaysay inan iyada ka yar 7 sanadood oo u ballanqaaday guur ay ka dalbatay, inkastoo uu inankaasi xaas leeyahay xiligan. Baadhitaankii ay illaa hadda Boolisku sameeyeen waxaa lagu…

Read More

Ciidamo Taabacsan Dawlada Ciraaq Ayaa Dib Uga Qabsaday Deegaanka Al-Baaj Kooxda ISIS

Baqdaad 06. June 2017 (SDN/QJ):- Deegaanka Al-Baaj wuxuu bari ka xigaa magaalada Mosul , waxaan hore gacanta ugu hayey kooxda ISIS, waxa dib uga qabsaday xoogaga taageersan dawlada Ciraaq. Deegaanka ayaa dhow xudduuda ay Ciraaq la leedahay Suuriya, waana deegaan ay ku xooganaayeen kooxda DAACISH.  Ciidankan oo taageero ka helaya dhinaca cirka ayaa beryahan ku…

Read More

Raysal Wasaaraha Israa’il oo Gaadhay Dalka Liberia oo uu Kaga qayb galayo Shirka Ecowas

Liberia 06. June 2017 (SDN/QJ):- Ra’isal Wasaaraha Israa’iil Benyamiin Netenyaahu ayaa ka qayb gelaya  shirmadaxeedka kow iyo kontonaad ee Urur Goboleedka Dalalka Galbeedka Afrika ee ECOWAS  kaasoo oo uu ka furmi doona Caasimada Dalka Liberia ee Monrovia. Bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’isal wasaaraha Israa’iil ayaa waxa lagu sheegay in Benyamiin netenyaahu uu shirmadaxeedka Ururka…

Read More

Golaha Islaamka ee Dalka Ingiriiska oo Ka Hadlay Sida ay u Arkaan Weerarkii London

London 06. June 2017 (SDN/QJ):- Golaha Islaamka ee dalka Ingiriiska ayaa si xoog leh u Canbaareeyey weerarkii ka dhacay Magaalada London ee gaystey khasaaraha dhimashadda iyo dhaawacaba isugu jira.   Bayaan Goluhu uu soo saaray ayaa Waxa  ay ku sheegeen in Gole ahaan ay aad uga cadhaysan yihiin falalkaa argagixisada ah  ee ka dhacay  Magaalada…

Read More

Alle ha u Naxariistee Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo Hargaysa Ku Geeriyooday,Madaxweyne Siilaanyo Iyo Hogaanka Xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye oo Tacsi u diray

Hargaysa 05. June 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo ku geeriyooday maanta oo…

Read More

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt Land oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Xukuumadiisa Akhri

Garowe 05. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku magacaabay masuuliyiin cusub.   Wareegtada ka soo baxday Gaas oo lagu magacaabay wasiiro, wasiir ku-xigeeno iyo wasiiru dowleyaal cusub oo ka mid noqonaya maamulka Puntland ayaa u qorneyd sidatan:-

Read More

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Caawa Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Golihiisa Xukuumadda Iyo Hay’adaha Madax Bannaan ee Dawlada

Hargaysa 05. June 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4828/062017 uu xilka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ku sameeyey caawa oo ay taariikhdu tahay 06/05/2017, xubno ka mida xukuumaddiisa. Warsaxaafadeedkan oo uu Ku Saxeexan Yahay Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL, ahna Ku simaha Af-hayeenka Naasir Yuusuf Daahir…

Read More

Xukuumadda Oo Si Weyd Ah Uga Hadashay Falkii Lagu Waxyeeleeyey Inanta Jeclaatay Wiilka Gabooye Iyo Wasiirkii Caddaaladda U Qaabilsanaa Oo Kaliya Ku Ducaystay In Ilaahay Soo Saaro Hogaamiye Dadkan Dulmiga Ka Xoreeya

Hargaysa 05. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Mudane Axmed Faarax Cadarre, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhacdadii foosha xumayd ee dhawaan ka dhacday magaalada Hargeysa ee jidh dilka looggu geystay haweenayda guursatay wiilka ka soo jeeday beelaha Gabooye taasi oo inta qoyskeedu iska hor taageen waliba jidh dil loogu gaystay, waxaana uu…

Read More

Press Release: Presidential Condolences regarding London Terror Attack on Saturday night, 3rd of June 2017

The President of Republic of Somaliland; H.E. Ahmed Mohamed (Silanyo) The terror attack in London on Saturday, 3rd of June 2017 was shocking and heartbreaking. The President of the Republic of Somaliland H.E. Ahmed Mohamed (Silanyo), his government members and the people of Somaliland are strongly condemning the horrific attack which has left scores of…

Read More

Dhacdo Xanuun Badan: Aabbo Saddex Wiil Kaga Dhinteen Shuban Biyoodka Magaaladda Burco Oo Warbaahinta U Xog Warramay, Sheegayna In Xero Dhiigta Burco Lagu Qalo Xoolo Bakhti Ah

Burco 05. June 2017 (SDN/QJ):- Iyadoo uu Wali farobaas ku hayo Xannuunka Shuban biyoodku Magaaladda Burco ee Caasimada Gobolka Togdheer ayaa waxa laga soo warinayaa Dhacdooyin xannuun badan iyo qoysaska uu haleellay Xannuunkani,islamarkaana uu Ubad badan ka laayay,iyadoo dhinaca kalena ay socota gurmadka loo fidinayo boqolaal qoys oo reer Burco oo xannuunkani la ildaran iyo…

Read More

Wasiir Xaglo-toosiye oo Shaaciyey in 32 Qof Shuban ugu dhinteen Burco, Tirada Jiifta, Heerka Cudurka & Itaalkooda DHAGAYSO

Burco 05. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay in tirada Dadka magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer Sagaalkii Cisho ee ugu dambeeyey ugu dhintay Cudur-ka Shuban-biyoodka ee ka dillaacay ay marayso 32 Ruux, isla markaana ay hadda Xarunta Caafimaadinta ee Shuban-biyoodka ee Cusbitaalka Burco ay Jiifaan 93 Qof oo…

Read More