Webmaster

Yaa lahaa isku Daygii Dilka Kim Jong Un ee bishan gudaheeda ee Loo Adeegsaday Maadada Bitro Kimikada?

K.Waqooyi 22. May 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay daaha ka qaaday arintii ku saabsanayd iskudaygii dil ee dhowaan la hadalhayey in lala beegsaday madaxweynaha ugu da’da yar Madaxweynayaasha Adduunka Kim Jong Un. Wakaalada wararka ee Yonhab ee Kuuriyada Koonfureed ayaa baahisay video kooban oo ay ka soo xigatay Telefishinka ay gacanta ku…

Read More

Waa Kuma Khabiirkii Dhowaan Joojiyey Weerarkii Electroniga ahaa?

Washington 22. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa la ogaaday in khabiirkii joojiyey Weerarkii electronicada ahaa ee dhowaan boqolaalka dawladood lala beegsaday inuu ahaa Marcus Hutchins oo ahaa arday hore looga caydhiyey waxbarashada markii lagu eedeeyey falal dhanka Hackers-ka ah ama budhcada internet-ka ah, waxana uu gaadhi kari waayey inuu helo shahaadada Dugsiga sare ee macluumaadka tiknoolajiyadda….

Read More

Dhanbaal uu Nebi Muxamed NNKH u Kala diray Boqoro Xiligaas Meelo Kala Duwan ka Talinayay Qaybtii Kowaad

Hargaysa 22. May 2017 (SDN/QJ):- Rasuulkeennii Muxammed (CSW) lama uu hadhin dadaal kasta oo uu diinta Alle u soo dhiibay ku faafin karayey, si ay u gaadho daafaha dunida, maadaama oo ay tahay diintii Alle dunida oo dhan ugua talogalay. Hababka uu Nebi Muxammed (SCW) isticmaalay waxaa ka mid ahaa dhambaallo uu u diray hoggaamiyeyaasha…

Read More

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaaleha Dawlada Oo Ku Dhawaaqey Natiijada Imtixaankii Shaley Lagaga Qaaday Magaaladda Laascaanood 30 Jago oo Ka Bannaan Laamaha Dawlada DAAWO

Laascaanood 21. May 2017 (SDN/QJ): Gudoomiyaha Haayada Shaqaaleha Dawlada Mudane Sharmaake Ahmed Muxumed Geele Ayaa Si Rasmi Ah U Soo Dhajiyey Natiijada Imtixaankii Maalintii Shaley Ahayd Ay U Fadhiiteen Dhalinta  Aqoon Yahanka Ah Ee Soo Xareystay Cv Yada Sodonkii  Kaalmood Ee Ay Hore U Baahisey Hayada Shaqaalaha Dawladu.

Read More

Madaxweyne Maxamed C.laahi Farmaajo Iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Si Diiran Loogu Soo dhaweeyay Magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sucuudiga SAWIRO

Riyadh  21. May 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi la socda ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyada Sacuudi Carabiya , waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madax katirsan Boqortooyada Sacuudiga. Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shirka magaalada Riyaad uga furmay Hogaamiyaasha Wadamada Islaamka iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, waxaana shirkaasi looga…

Read More

Telefishanka Qowmiyadda Kurdiyiinta ee RUDAW TV oo Warbixin Cajiib ah ka Diyaariyey Somaliland DAAWO

Hargaysa  21. May 2017 (SDN/QJ):- Telefishanka Qowmiyadda Kurdiyiinta oo la yidhaahdo RUDAW TV, ayaa warbixin dheer oo ka sameeyay Somaliland. Waxaanay ka warrameen nabadgelyada Somaliland ku naaloonayso, cilaaqaadka ay caalamka la leeyihiin iyo fursadaha ay u haysato xiligan inay caalamka ka hesho aqoonsiga ay raadinaysay muddo rubuq qarni ku siman. Warbixintan oo uu diyaariyay weriye …

Read More

‘’Rooxaani Way Ka Go’an tahay Dardar gelinta Isbedelku Laakin ma Hirgelin karaa? Waa Doorashadii Mar Labaad Shacabka Iran u Cugteen inuu Hogaanka u sii hayo Madaxweyne Xasan Rooxaani

Tahran  21. May 2017 (SDN/QJ):-Doorashadii Madaxtooyada dalka Iraan waxa ku guulaystay Madaxwayne Rooxaani oo ah hogaamiyaha isbedelka waxanu kaga adkaaday musharixii muxaafidka mayalka adag Garsoore Ebrahimi Raisi ee ka soo horjeeda isbedelka ay taageersan yihiin ilaa hadda inta badan dadka Iraan siday ay muujisay natiijadu. Lakiin weli awoodda xukunka ee Garsoorka iyo Amniga waxa gacanta…

Read More

Somaliland Qaran Sodon Jirkiisii Mar kale dib u dhashay “Barnaamijyo Taxane ah kala Soco QURBEJOOG Iyo Milicsiga Maanta ee Hub Ka Dhigistii Iyo Abaabul ka Saarkii’’ DHAGAYSO

Hargaysa  21. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Dalka Somaliland Looga dabaal degay Xuska 26 Guurada ka soo Wareegtay Markii ay Jamhuuriyada Somaliland dib ula soo noqotay Xornimadeedii oo ah 18 bishan May Xili aanay Somaliland beesha Caalamka ka Helin Wax aqoonsi ah,Balse ay Shacabku Muujiyeen Wax qabsi balaadhan.   Shabakada Qurbejoog.com ayaa Halkan idiinku soo Gudbinaysa…

Read More

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo Xisbiga Talada Somaliland Ku Guulaysta u Soo Jeediyay inuu la Yimaado Siyaasad Aqoonsi raadineed

London  21. May 2017 (SDN/QJ):- Prof. Axmed Ismaacil Samatar ayaa daboolka ka qaaday inay Somaliland haatan u baahantahay inay dajiso qadiyada ay doonayso inay dunida ka iibiso si ay aqoonsi u hesho. Waxa uu Axmed Ismaacil sheegay in loo baahan yahay in qoraal lagu dajiyo qadiyada Somaliland,gudi ay u saarto dawlada cusub ee la dooran…

Read More

“Anigu Waxaan Idiin Ballanqaadayaa Haddii Ilaahay Halkaas I Keeno In Nin Dhallinyaro Ah Oo 20-Jir Ah Oo Reer Somaliland Ahi Ay Gacmuhu Dhididaan’’ Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa  21. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Balan ku qaaday in Hadii uu Hogaaminta Qarankan uu qabto ay Dhallinyaradu noqon doonaan Kuwo Waxqabad Muujiya. Murrashax Muuse Biixi waxa uu sheegay in sida keliya ee dunidu ku hormartay tahay in dal waliba dadkiisa xoogga ah ka shaqaysiiyey,…

Read More

Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex oo Go’aan ka gaadhay Dacwadii loo haystay Mas’uuliyiin ka Tirsan Xisbiga Waddani+ Xeer Ilaalinta oo Racfaan Ka Qaadatay Iyo Xisbiga Waddani oo Sheegay Inuu Dulqaadkii Ka Dhamaaday Qaanuunkana Laga Talaabsan Doono DAAWO

Hargaysa  21. May 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa Maanta Soo Gunaanaday Dacwad in Mudo ah ku Socotay Laba Sarkaal oo Ka Tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo Kala ahaa Gudoomiyihii Garabka dhallinyarada heer qaran iyo Xoghayihii Ciyaaraha Waxayna Maxkamadu Xoriyadiisii u soo Celisay Gudoomiyihii  Garabka Dhallinyarada halka Xoghayihii Ciyaaraha ay ku riday…

Read More

Xuska 18 May 2017 ee Jaaliyadda Somaliland ee Kenya Nairobi ku dhigeen Iyo Fariin ay u Direen Madaxweyne Farmaajo DAAWO

Nairobi  21. May 2017 (SDN/QJ):- Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Kenya Caasimaddiisa Nairobi, ayaa 26-guurada Qarannimada ee 18 May Munaasibad ku xusay, taas oo ay Masuuliyiinta Safaaradda Somaliland halkaas ku leedahanayna ka qaybgaleen, Farriimo iyo talo-soojeedinna Bulshada ku fareen. https://www.youtube.com/watch?v=Fkt4PPpFdyE

Read More

Haweenay Somaliyeed oo 65 Jir ah Isla Markaana Raadinaysa 25 Guursada (Dhaqannada Qurbaha Yaalla) !! DAAWO

Norway  21. May 2017 (SDN/QJ):- Barnaamij la yidhaahdo GUUR-DOON oo lagu baahiyo Internet-ka. Waxa la soo xidhiidhay Hooyo Soomaaliyeed oo Da’deeda ku sheegtay 65 Jir, oo Ingiriiska ku nool. Daadihiyeyaasha Barnaamijka oo Hablo ah, hayeyna Warka Hooyadan (Single Mother) ayaa u sheegay inay u soo heleen Wiil 29 Jir ah oo isaguna Happy ku ah…

Read More

Fanaanad Laki Xaaji Wacays Bandhigga iyo Ka Qaybqaadashada Barnaamijkii 18 May 2017 ee BBC Soomali DAAWO

London  21. May 2017 (SDN/QJ):- Fannaanadda Laki Xaaji Wacays, ayaa ka qayb-qaadatay oo si toos ah wax uga akhriday Barnaamijka Hambalyada iyo Salaamaha ee Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, isla markaana qaar ka tirsan Heesaha Jacaylka ah, ku-daadiska ah iyo kuwa Waddaniga ah ee ay qaaddo ku soo bandhigtay. Fannaanadda Laki Xaaji Wacays oo…

Read More