Hoos u Dhac Xoogan oo Ku Yimid Sumcadii Somaliland ku Lahayd Fagaareyaasha Caalamka & Dib u dhaca Doorashooyinka oo Noqday Halqabsiga Cusub ee Beesha Caalamka
Hargaysa 22. May 2017 (SDN/QJ):- Hoos u dhac diblomaasiyadeed oo aad u weyn ayaa ka muuqda heerkii ay Somaliland ka taagnayd fagarayaasha caalamiga ah ee lagaga hadlo xaaladda gobalka Geeska Afrika, iyadoo Somaliland ahayd meel loogu soo hal qabsado marka laga hadlayo dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka. Inkastoo aanay Jamhuuriyadda Somaliland helin aqoonsi caalami ah, haddana marka…
