Webmaster

Wasiirkii Hawlaha Guud ee Soomaaliya Cabaas Siraaji Oo Goor Dhawayd Lagu Toogtay Magaalada Muqdisho, Meel aan Wax badan Ka Durugsanayn Madaxtooyada Villa Soomaaliya & Aragtida Xukuumadda Somalia

Muqdisho 03. May 2017 (SDN/QJ):-Waxaa goordhaw agagaarka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya lagu dilay Wasiir katirsanaa xukuumada Federaalka Soomaaliya sidoo kale kamid ahaa Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ee lagu soo doortay magaalada Kismaayo. Sida aan Wararka ku helnay Wasiirka la dilay oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa lagu magacabaa Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji oo ahaa Wasiirka Howlaha Guud…

Read More

Qaabkii ay u dhacday Doorashadii Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Gal Mudug Loona Doortay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle DAAWO

Caddaado 03. May 2017 (SDN/QJ):-Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Doorashadii ka socotay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, ayaa waxaa ku guulaystay xilka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) kadib markii uu ka guulaystay Musharaxii uu la tartamaayay. Xaaf, ayaa wuxuu la tartamaayay Axmed Cali Hilowle, wuxuuna…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Buuhoodle La Soo Galay Ciidamo, Waxqabadka Uu Sheegtay Inay Halkaa Ka Fuliyeen Iyo Eedaha Uu Somaliland U Jeediyey

Buuhoodle  03. May 2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Camay oo doraad Safar ku tagay Magaalada Buuhoodle ee bariga Somaliland, ayaa ku dooday in Dawladda Somaliland wax muuqda ka qabanin baahiyaha ka jira Halkaasi. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Ciidamo badan la soo galay Buuhoodle, ayaa halkaa si aad ah loogu soo dhaweeyay, waxaanu khudbad uu…

Read More

Madaxweyne Farmaajo ayaa Booqday Xero Dad Danyar ahi Degan yihiin oo u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya SAWIRO

Muqdisho 03. May 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka soo barakacayaasha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa degan beertii daraawiishta oo ku dhow xarunta Madaxtooyada. Kormeerkan ayaa la xiriiray hubinta xaaladda nololeed ee dhabta ah oo ay ku sugan yihiin Barakacayaasha ku sugan gudaha iyo hareeraha…

Read More

Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Gal Mudug Axmed Ducaale Xaaf oo Sababtay Khasaare Nafeed oo Yimid Markii la doortay

Gaalkacyo 03. May 2017 (SDN/QJ):-Rasaas iyo madaafiic loogu dabaaldegayey guusha doorashada Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta laga riday koonfurta magaalada Gaalkacyo oo maamul ahaan hoos taga Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah hubkaasi dabaaldega loo ridayey uu khasaare nafeed ka geystay labada qeybood ee magaalada Gaalkacyo….

Read More

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo Shaaciyey Hankiisa Gudoomiye-nimada Golaha Wakiiladda Iyo Wasiiradii Beeshiisa oo Taageeray DAAWO

Hargaysa 03. May 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan ka mid ah  mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa shaaciyay inu u taaganyahay Murashaxa Jagada Guddoomiye ee Golaha wakiilada Somaliland, kadib marka uu xilkaasi baneeyo Guddoomiyaha imika Jooga   jagadaasi ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Munaasibada Shaacinta Murashaxnimada Guddoonka Wakiilada oo lagu qabtay Magalada Hargeysa waxa ka soo qayab galay Salaadiin,Xildhibaano…

Read More

Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan ayaa Muqdisho u tegi doona muxaadaro ku saabsan” Soo bandhigida Qadiyada Soomaliland”

Muqdisho 03. May 2017 (SDN/QJ):-Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya u tagaayo sidii uu ugu soo bandhigi lahaa muxaadarooyin ku saabsan qadiyada Somaliland iyo waxyaabaha ka qaldamay midnimadii ay Somaliland dib uga laabatay. Waxa uu Dr.Xuseen Bulxan daboolka ka qaaday in kulan ay dhawaan ku yeesheen ururada…

Read More

Madaxtooyadda Somalia ee Villa Somalia oo Shalay Laga Dhex Qabtay Askari Lagu Eedeeyay Inuu Xidhiidh la Leeyahay Alshabaab & Farmaajo oo Cabsi Darteed Mamnuucay…

Muqdisho 03. May 2017 (SDN/QJ):-Xarunta Madaxtooyada Somaliya ee Villa Somalia ee Muqdisho, ayaa shalay gashay saacado jaha-wareer iyo shaki ah, ka dib markii ay ciidamo sirdoon ahi ka fuliyeen hawlgal ay ku baadhayeen kooxo looga shakiyay Al-Shabaab Idaacadaha Muqdisho ayaa shalay baahiyay in madaxtooyada laga fuliyay hawlgal lagu qabanayay askar iyo shaqaale ka tirsan madaxtooyada oo…

Read More

Gudoomiye Cirro iyo Mas’uuliyiin Sare oo ka Tirsan Xisbigaas oo Maanta Ka Qayb Galay Dhagaysiga Dacwad loo Haysto Mas’uuliyiin Waddani Ka Tirsan DAAWO

Hargaysa 03. May 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro iyo Madax Sare oo Ka Tirsan Xisbigaas ayaa Maanta ka qayb galay Dhagaysiga dacwad loo haysto Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbigaas.

Read More

Dalka Eritrea oo Marti Geliyey Isla Markaana Saldhig Mileteri u Ogolaaday Dawladii Sadexaad ee Waddamada Carabta

Asmara 03. May 2017 (SDN/QJ):-Masar ayaa saldhig Milatari ka sameysaneysa dalka Eritrea ka dib markii uu heshiis arintaas dhexmaray labada dale e Masar iyo Eritrea. Saldhiggan ayaa dowlada Masar waxaa laga siiyay degaanka Nora, oo ka tirsan Jasiiradda yar ee Dahlak, halkaasoo Masar ay qorsheyneyso inay dejiso 20,000 oo askari.   Asmara iyo Qaahira ayaa isku…

Read More

Kulan Lagu Gorfaynayo Caqabadaha Ku Gadaaman Shaqo Helida DAAWO

Hargaysa 03. May 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland MD Sharmaarke Geelle, ayaa Caasimada Hargeysa ka furay kulan lagu gorfaynayo caqabadaha ay la kulmaan dadka shaqo doonka ah iyo sidii looga samata bixi lahaa. guddoomiyaha oo ka waramaya ujeedada kulankaasi iyo ahmiyada uu leeyahay waa kan. https://www.youtube.com/watch?v=h_H6ch6KJHk

Read More

Wareegii 1aad doorashada Madaxweynaha Galmudug oo dhamaaday & tirinta codadka oo socota

Cadaado 03. May 2017 (SDN/QJ):-Waxaa goor dhow soo dhamaatay codeynta wareegii 1aad ee doorashada madaxweynaha Galmudug ee ka socota magaalada Cadaado taasoo ay ku tartamayaan illaa 3 musharax oo kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Axmed Shariif iyo C/qaadir Shirwac. Guddiga doorashada ayaa waxay musharaxiinta ka dalbadeen iney soo dirsadaan wakiilo goob joog ka noqda tirinta…

Read More

Xukuumada Oo Joojisay Xuska Maalinta 18-ka May ee Sanadkan Iyo Sababaha ay U Cuskatay DAAWO

Hargaysa 03. May 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland MD Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynuhu go’aamiyey in sanadkan la joojiyo xuska iyo dabaal-dega maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May, isla markaana kharashkii ku bixi lahaa loogu gurmado dadka abaareysan. Wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani, Waxaa…

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la Qaatay Taliyaha Ciidamadda Maraykanka ee Qaaradda Africa iyo Waxyaabaha Laga wada Hadlay

Muqdisho 03. May 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Garoonka dayuuradaha Aadan Cadde kula kulmay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa Gen. Thomas Waldhauser iyo Saraakiil kale. Kulankan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Taliyaha iyo Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Stephen…

Read More

Raysal-wasaare Khayre oo Qiray inay Beesha Caalamka La qaateen in Ciidammada Soomaaliya lagu Koobo 18,000

Muqdisho 03. May 2017 (SDN/QJ):-Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa caddeeyey jiritaanka qorshe lagu burburinayo Ciidammada Xoogga dalka oo la sheegay in lagu heshiiyey in lagu soo koobo siddeed iyo toban kun oo Askari oo keli ah, halka ay hadda tiradoodu tahay illaa 32,000. Arrintan oo soo shaac-baxday markii toddobaadkii hore Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya…

Read More

Xog Waran Xiiso Badan leh oo Mulkiilaha Dugsiyada Nuura Diin uu Ku Sharaxay Bilowgii Iskuuladiisa Iyo Caqabadihii ka Hor Yimid !!!

Hargaysa 03. May 2017 (SDN/QJ):-Waa Shakhsi Tusaale Wanaagsan u ah Sooyaalkii Taxane Taariikheed & Budhigii Waxbarasho Ee Lagu Yagleelay dalka Xili Markaas uun laga soo doogay Colaado Sannado qaatay oo ay Somaliland la gashay Taliskii Siyaad bare. Waxa uu ka Mid noqday Macalimiintii Suurtogeliyey in Dhallinyaradu ay helaan goobo ay wax ku bartaan gaar ahaan Luuqada…

Read More

Gudoomiyihii Telefishanka Gem TV oo Mucaarid Ku ahaa Waddanka Iran oo Lagu Dhex Khaarajiyey Magaaladda Istanbul ee Turkiga

Istanbul 03. May 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyihii Telefishanka Gem TV oo wararka ku baahiyada af-berishiyanka ee lagaga hadlo Iran isla markaana ahaa gudoomiyaha shirkadda TV-ga maamusha ayaa lagu dilay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Saciid Karimian waxa lagu toogtay xaafadda Maslak isaga iyo nin ay shuraako ganacsi ahaayeen oo isna u dhashay dalka Kuwait oo ay markaa…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Soo Laabtay Ingiriiska DAAWO

Hargaysa 03. May 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Safar ugu maqnaa Dalka Ingiriiska, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Hargeysa. Wasiirka oo muddo sagaal Maalmood ah ku maqnaa Caasimadda UK ee London, ayaa waxa Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirro, Xildhibaanno iyo Dadweyne kale oo Madaarka ku…

Read More