“Runtii Waxa Dhacday Markii Aanu Maxakamadii Is Nidhi Aad Ka Baxdaan In Ciidamadu Ay Weerar Soo Qadaan Oo Ay Rasaas Badan Rideen, Qori Dabadii Ay La Dhaceen Xubnihii Hoggaanka WADDANI” Xoghaye C/rasaaqa Khaliif
Hargaysa 29. April 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/rasaaq Khaliif ayaa ka haddlay falkii saaka ka dhacay maxakamada gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargeysa, ka dib markii ay ciidan ka tirsan booliska Somaliland ay weerar ku soo qadeen mid kamid hoolasha Maxakamada, kaas oo ay markaa ka socotay dhegaysiga dacwada laba…
